Total Pageviews

Monday, 12 February 2018

Beled Weyne - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Toddobaad

Gaari midkaan la nooc ayaan ku safarnay.
ICRC waxay Geneva ka soo magacowday 1987 Richard Anderegg oo ah Madaxa ICRC ee Soomaaliya.  Waa nin firfircoon, howsha samafalkana sida diin oo kale u aamminsan. Cidna aan ka gabban marka ay baahi samafal u muuqto. Annagana sidoo kale nagu dhiiri geliya.

Malahyga taasi waa waxa uu eeday markii uu dagaalku ka qarxay Hargeysa iyo Burco sannadkii 1988.

Beatrix Attinger oo ah gabar dhallin yar oo aan is da’ aaddan nahay laakiin khibradda shaqo ee ICRC iga badan ayaa ku wehlisa ajnebiga Xafiiska.  Labaduba waa Swiss.

Xafiiska waxaa iiga soo horreysay Faadumo Shiikh Cabdi oo howsha baadi-goobka ka shaqeysa howsheeduna ay u badan tahay xafiiska. Axmed Tifow iyo Cali Adan ayaa ayguna ka mid ah howlwadeennada Xafiiska u fuliya shaqooyin kala duwan.

Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah.  Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub.

Buurta Shiikh iyo Waddooyinka miliqsan ee Boosaaso

Markii aan soo xog wareystay darawaliinta gobollada u baxa waxay iiga digeen laba marin.  Waa Waddada isku xirta Garowe iyo Boosaaso oo aan markaa laami ahayn. Waa waddooyin badan oo kala leexleexda qaarkood ay dib isugu soo dhacaan, summadna aan lahayn. Waxay iigu dareen inta badan in ay tahay dhul aad u weyn gaadiidka iyo tuulooyinkuna ay ku yar yihiin. Taas oo macnaheedu yahay in haddii aad waddo aan tii saxda ahayn raacdo ay suurta gal tahay in aad muddo socota adiga oo aan arag cid aad ka hubsato in jihada Boosaaso aad ku joogto iyo in kale.

Darawaliinta qaar waxay iiga digeen Buurta Shiikh oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid u baahan khibrad darawalnimo oo sarreysa.  Buuraha bacaadka ah ee Muqdisho marka laga tago, Buurta keliya oo aan markaas khibrad u leeyahay waa Yasoomman oo ku taal waddada Ceel Buur meel u dhaxeysa Buulo Burte iyo Maxaas oo aan ogahay in ay tahay khatar.  Markii aan la barbardhigay darawaliinta labadaba yaqaanna waxay ii sheegeen buuraha Shiikh in ay ka khatar badan yihiin  Yasoomman.

Ugu dambeyn waxaa la ii sheegay in haddii ay dhacdo in gaarigu uu hallaabo aan u baahan doonno qof makaanik ah oo waddada naga badbaadiya.

Sidaa darteed waxaan fasiraad badan ka dib, Beatrix ku qanciyay in aan kireysanno darawal makaanik ah, yaqaannana waddada Boosaaso iyo sida loo maro buuraleyda Shiikh.

Nin hadda Xildhibaan ah ayaa naga kaxeeyay Muqdisho. Waxaan sidannaa caag weyn oo biyo nadiif ah oo la cabo ay noogu jiraan iyo darmuus weyn oo biyaha u keydiya qabowga.

Waxaa noo raran barmiil shidaal ah iyo sanduuq bir ah oo uu noogu jiro agabka baabuurta lagu cilladtiro xag makaanik iyo xag koronto.  Caag saliidda baabuurta ah iyo laba taayar oo dhigaal ah.

Maaddaama berigaas xasaasiyad laga qabay magaca iyo wax kasta oo Ethiopia ku saabsan, annaguna aan wadno liiska ciidan Soomaaliyeed oo u xiran Ethiopia iyo waraaqo ay ku shaabbadeysan yihiin hey’adaha amniga Ethiopia, waxaan sidannaa waraaq ay na siisay Wasaaradda Arrimaha Guduhu oo fasireysa howsheenna.  Waxaa kale oo aan sidannaa waraaq Wasaaradda Arrimaha Dibadda ah oo oggolaashadii kow ay he’addu dalka ku timid.

Billowga Waddada Dheer

Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay.  Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay.   Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna.

Balcad markii aan ka baxnay ayaa darawalku billaabay in marka dhinaca midig ee waddada uu ku arko god, uu gaariga u weeciyo dhinka bidix.  Beatrix waxay ku adkeysatay in uu mar kasta ku joogo seedkiisa xataa haddii uu god ku yaallo.

Waxaan xusuustaa in uu u sheegay sannado badan oo uu darawal ahaa, weligiinna aanuu shil gelin.  Waxay ugu jawaabtay in aanay diyaar u ahayn in ay ku dhimato shilka ugu horreeya ee uu geli doono.


Waddada Jowhar waa mid aan dayactir helin tan iyo markii gumeysiga aan ka  xorownay.

Qaddar yar ka dib waxaan tagnay Jowhar.  Waxaan ka cunteynay Dalxiiska meel loo yaqaan oo Geedo aad u waaweyn leh oo ay Wasaaradda Dalxiisku leedahay. 

Waxaan u gudubnay Buulo Burte.  Waxaa Jowhar nooga billowday waddo wanaagsan oo ay Dowladda Kacaanku dhistay.  Waxaan gaarnay Buulo Burte.  Waa magaalada aan ka dhigtay Dugsiga Hoose. Waa magaalo aan guri guri u aqaan.  Waxaan ku lahaa xiriirro fara badan oo ah ciidanka ay aabbahay wada shaqeynayeen, macallimiinta oo hadda qaarkood ay yihiin ardaydii aan isku fasalka ahayn sida Axmednuur Shiikh Cabdi oo gacan na siiyay, bahda Sportiga oo ay magaaladu caan ku tahay iyo dad kale oo badan. 

Waxaan u gudubnay Tuulada Halgan oo ay ku eg tahay waddada wanaagsan ee uu Kacaanku dhisay.  Waxaa dib u billaabata waddo codsaneysa dayactir oo Gumeystuhu dhisay. 

Tuulada Garziani oo ku taal buur fiiqeed ayaa noo xigtay.   Intaba waxaan shir kula yeelannay qof mas’uuliyad degaanka ah haya iyo ugu yaraan hal qof oo macallin, dhakhtar, ama ganacsade ah.  Waxaan kala hadalnay arrinka maxaabbiista qaarkoodna waxaan uga tagnay koobbi waraaqaha Maxaabbiista ee u socda qof degaankaas cinwaankiisu yahay.

Beled Weyne

Beled Weyne
Waxaan u gudubnay Beled Weyne oo aan isla habeenkaas shir la yeelannay Isuduwaha Caafimaadka, Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo dhakhaatiir iyo kalkaaliyaal ajnebi ah oo ka socday Italian Medical Team.

Mar kale arrinta maxaabbiista ayaan u fasirnay, koobbiyaal waraaqaha Beled Weyne u socda-na waan uga tagnay. 

Beatrix waxay jiif ka heshay xerada Italian Medical team.  Aniga iyo darawalkii waa nagu adkaatay in aan helno Hotel haya laba qol oo uu naga kireeyo caawa.  Waan ogaa magaalada in ay joogaan qaar ka mid ah qaxooti ka badan nus malyuun qof oo Ethiopia ka soo qaxay xilligii dagaalka.   Laakiin ma garan sababta ay hoteelladeedu sidaa ugu cammiran yihiin.

Markii dambe ayaan helnay hotel ay laba sariirood ka bannaan yihiin mid saddexaadna uu nin aynaan garaneyn jiifo oo markaa hurda.

Korontadu waxay tagtay oo la demiyay xilli habeen barkii ku dhow.  Aniguna maaddaama aan yara daallanaa hurdo culus ayaan la dhacay.  Goor dambe ayaan soo baraarugay.  Waa mugdi.  Waxaa ka daran in qolka dhexdiisa looga hadlayo af aanan waxba ka fahmeyn marka laga reebo in aan gartay in uu yahay af Xabashi.

Wax aan ku fasiro ama aan uga talo galo ayaan garan waayay.

Waxoogaa markii aan dhegeystay waxaan gartay in codku yahay hal qof oo cid la hadleysaa aanay jirin.

Waxaan garan waayay ninka qolka nooga soo horreeyay in uu xabashi yahay iyo in uu Soomaali yahay.  In uu waalan yahay iyo in kale. In uu qarwayo iyo in ay ulakac tahay oo uu howl kale ku jiro.

Ma garan, laakiin iftiinka waagu wuxuu soo bikaacay aniga oo sugi la’.  Marka aan arkay in wax waliba ay caadi u muuqdaan, waxaan mar ku shakiyay in aan codkaas maqlay iyo in aan ku riyooday.  Laakiin darawalkii ayaan si hoose u weydiiyay oo isaguna ii xaqiijiyay.  

Waxaa lagu fasiray in ninku uu qarwayay.  Waa laga yaabaa in ay run tahay.

F. G.
Qormada tan xigta, waxaan Gaalkacyo ka heli doonnaa hooyo Soomaaliyeed oo saygeedii oo ay dhimasho uga talo gashay aan waraaq uga sidno