Total Pageviews

Tuesday, 13 February 2018

Matabaan ilaa Berbera - Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Siddeedaad

Beled Weyne ayaan goor subax ah ka baxnay.  Waxaan tagnay barta ciidanku fadhiyo ee lagu baaro baabuurta ee loo yaqaan Centoquindice oo ah 115 oo af Talyaani ah, waxaa loola jeedaa in ay 115 km u jirto Buulo Burte.  Halkaas ayaan bidix u weecannay oo ku dhacnay waddada u socota Jihada feer feer oo ah soohdinta Ethiopia oo markaas noo jirta qiyaastii afartameeyo km.

Maaddaama Buulo Burte ay noo jirto 115 km, iyaduna ay Muqdisho u jirto 220 Km markaa waxaan caasimadda ka soo fogaannay masaafo dhan 335 km.

Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop.

Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan.  Waan ka shakinnay.  

Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas.  Khatartaas oo ah mid mar walba nala deris ah marka laga billaabo Beled Weyne ilaa aan gaarno Boorame maaddaama ay waddadu inta badan la teedsan tahay soohdinta Ethiopia oo jabhada cartamayaa ay isku abaabulayaan kana soo duulaan marka ay karaan.  Dhanka Soomaaliyana ay intaa ka goosanayaan saraakiil sare oo militeri ah iyo rag ka baxsanaya in xabsiga la dhigo siyaasad ama fal dambiyeed awgood.

Raggaas u tallaabaya Ethiopia, haddii ay caasimadda ka soo baxayaan waa qarsoodi iyo dhuumasho. Laakiin marka halkaan la soo gaaro, waxaa laga yaabaa baabuur lagaa furtay in lagu sii jidmaro, taas oo laba sano ka dib ku dhicday ICRC.

Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.

Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.

Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.

Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?

Annagu jihadeennii ayaan isaga soconnay.  Waddadii burbursanayd waxay ku dhammaatay Jawiil.  Tog weyn ayaa ag mara.  Waxaa keliya oo uu biyo leeyahay xilliga roobku ka da'o degaankaas ama buuraleyda Ethiopia ee uu ka soo billowday.  Waxaa dul saaran kaabad aad u dheer.

Waa kala-bayr saddex geesood ah.  Waxaa ku kala leexda waddada Muqdisho aadda, midda Feer Feer marta oo Ethiopia u gudubta.  Iyo waddada aan mari doonno oo xilligii Kacaanka uu Shiinuhu dhisay oo tagta Burco. 

Waxaan halkaa iigu dhammaaday degaannada aan anigu hore u tegey ama ay gurigeenna si joogta ah u imaan jireen dad ka soo safray. 


Matabaan ilaa Gaalkacyo

Waddada ugu dheer Soomaaliya, uguna dhismo iyo toosnaan wanaagsan ayaan cagta saarnay.

Markaan dhankaas u beyrnay ayaa noogu dambeysay gaarigii na daba socday.

Matabaan, Guriceel ayaan sii marnay ka dibna waxaan tagnay Dhuusa Marreeb.  Waxaa xarunta Qaybta 21aad ee Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u xilsaaran Difaaca aagga soohdinta inta u dhexeysa Tiyeeglow ilaa Gaalkacyo, ciidankeeduna uu hoos u gaaro Buulo Burte oo guutooyin Taangiyo iyo madaafiicda goobta ahi ay u deggan yihiin.  Waa xarun ciidan iyo basaasiin badan. Xataa Jabhadda Soomaali Galbeed Xafiis ayay ku lahayd.  Howlaha ugu badan ee magaalada ka socdaa waa howlaha ciidanka.

Waxaan xog badan ka helay muddo markaas laga joogo laba sano oo annaga oo arday iyo macallimiin Jaamacadda isugu jirna uu Taliyihii Qaybta 21aad ee xilligaas General Morgan uu nagu marti qaaday Qaybta. Taxanaha Doodaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo aad isla bartaan ka heleyso ayaad booqashadaas wixii aan ka qoray aad ka akhrisan kartaa.

Cadaado ilaa Gaalkacyo ayaan marba meel istaagnay si howsha samafalka ee aan wadno aan dadka ugu fasirno.  Gaalkacyo markii aan gaarnay oo aan dadka weydiinnay bal in ay yaqaannaan qoysaska waraaqaha loo soo diray ee degaankaas, ayaa markiiba la gartay hooyo Soomaaliyeed oo ninkeedii uu u soo diray waraaq.

Waa ay noo timid.  Bartii ayaan isku wareysannay, shaahna aan ku wada cabnay.

Markii ay waraaqda ka jawaabtay, waxay na weydiisay waxa ay u diri karto carruurteeda aabbahood.  Waxaan u sheegnay waraaq iyo sawirro qoyska ah oo keliya in la oggol yahay.  Dib ayay u noqotay waxayna keentay sawir iyada iyo carruurta ah.

Garowe

Halkaas ayaan uga gudubnay oo aan tagnay Garowe.  Waa magaalo markaas la leeyahay aad ayay u cammiran tahay.  Sababtu waxay ahayd sharikadda dhiseysa waddada Boosaaso oo keentay darawaliin iyo shaqaale kale oo badan.  Xero gaar ahna ajnebigu u deggan yahay.  Dad kale oo raba in ay shaqo ka raadsadaan sharikadda ama ay ganacsi u badan makhaayado ay abuuraan oo lacag ka sameeyaan shaqaalaha ayaa iyaguna ka mid ah dadka aan sharikadda u shaqeyn laakiin Garowe u yimid nolol raadis.

Inkasta oo dadka magaaladu ay markaas u arkayeen in ay aad u cammiran tahay, haddana waxay ahayd magaalo yar weliba marka loo fiiriyo inta ay hadda tahay.

Habeenkaas waxaan xarunta Hanuninta Dadweynaha ku daawaday riwaayad ka socotay halkaas.  Ujeeddadeydu waxay ahayd dhexgalka, fahamo isla markaana dareemo nolosha magaalada xilliga yar ee aan joogo.  Halkaas ayaan habeen ku hoyannay.

Laas Caanood iyo Caynaba

Subixii xigay waxaan tagnay Laas Caanood, xarunta Gobolka Sool. Isla howshii ayaan ka fulinnay.  Waxaa noo xigtay Caynaba. Magaalo kasta marka aan ka baxno waxaan eber geynayay saacadda mayltiriska ee baabuurka si aan u ogaado masaafada ay magaalooyinku isu jiraan.

Caynaba marka aan tagnay oo aan qortay inta ay u jirto Laas Caanood. Ayaan shaah u fariisannay cooshad yar.   Rag meesha taagtaagnaa qaarna fadhiyay oo marna gabadha ajnebiga ah eegaya marna annaga na eegaya ayaan weydiiyay tuuladan magaceeda.

Jawaabta la i siiyay ma ahayn mid aan marnaba filanayay.  “Waar degmaan nahaye ha noo gefin”  ayaa mid igu yiri.  Waxaaban mar u qaatay in ay i khaldayaan laakiin markii dambe waxaan ogaaday in ay tahay Degmo buuxda.

Burco

Burco ayaan uga gudbnay oo aan wakhti badan ku qaadannay.  Guddoomiyaha Gobolka Cali Xaayow ayaa xafiiskiisa nagu qaabbilay.  Mas’uuliyiin kale oo badan oo Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco ka socda ayuu soo fariisiyay.  Halkaas ayaan ku kala warqaadannay.

Howshii aan wadnay ayaan ka warbixinnay.  Si wanaagsan ayuuna noo soo dhoweeyay Guddoomiyuhu iyo weliba mas'uuliyiintii kale ee halkaa joogay.

Waxay ahayd magaalo aad u dad badan oo cammiran marka la yiraahdo dadka dhex socda. Laakiin marka aan barbardhigo ra'yiga mala awaalka ah ee awal madaxeyga ku jiray, magaalnimo badani ka muuqan Burco.  Waa marka la eego xagga dhismayaasha, gawaarida iyo lebbiska dadka magaalada. Go'a garabka saaran, ulaha iyo budadka, dhawaaqa ka baxaya magaalada intuba waxay igu noqdeen wax aanan ka fileyn.

Burco oo ay iigu dambeysay 2002 waxaa ka muuqday horumar dhinacyo badan leh oo weyn marka aan barbar dhigo 1987.

Laga billaabo Caynaba, waxaa jiray cabsi ahayd SNM oo mar mar weerar gaadmo ah ka geysan jirtay waddada.  Waxaan xusuustaa sarkaal ay ehelkiisu in badan na soo weydiiyeen bal in uu maxaabbiista Ethiopia hayso uu ka mid yahay laakiin inta markaas ah aynaan magaciisa ka hayn Ethiopia.  Wuxuu ahaa Col. Bashiir oo ay SNM ka qabatay waddada, isaga oo la socda Bas uu Muqdisho ka soo raacay.

Shiikh

Waxaan Burco uga gudubnay Shiikh.  Waa magaalo marka dhanka Burco aad ka timaado aadan dareemeyn in aad dul joogto buur aad u dheer.   Magacyadii maxaabbiista ayaan la wadaagnay caa’ilada dariiqada iyo qolyo samafal ah oo ajnebi ah oo aan u maleynayo Help the Aged in ay ahaayeen.

Shiikh iyo Cammuud waa meesha macallimiin fara badan oo iskuulka wax igu soo baray ay ka soo baxeen, aadna ay noogu ammaaneen.  Waa laba goobood oo aan damacsan ahay in aan ka ogaado waxa aan ka maqlay oo aan ka aamminsan ahay in ka badan.  Qormooyinka soo laabadka safarkaan ayaan taas ku sii faahfaahin doonaa insha Allah.

Beatrix oo dul taagan Buurta Shiikh 
Gaariga waxaa wadda Beatrix oo ku adkeysatay in aan buur looga sheekeyneyn sida baabuur loo saaro ama looga dejiyo maaddaama ay Swiss tahay.  Waxay ku adkeysatay in ay iyadu ka dejineyso buurta.  Si xallad leh ayayna u sameysay.

Markii aan ka hoobannay Shiikh inkasta oo ay ahayd wax igu cusub, haddana waxaa ii soo baxday in khatarta ay darawaliintu ay ka hadlayeen ay tahay ka hor inta aan waddo laami ah aan kacaanku saarin buurta.  

Waxaan tagnay meel niman militeri ahi ay bir ku gudbeen waddada oo u dhow Huddisa.

Waxay nagu yiraahdeen dib u noqda ma gudbeysaane.  In yar wadahadal ah iyo waraaqihii aan u soo bixinnay dartood wuu na fasaxay isla askarigii markii hore noo diiday waddada ka dib marka uu la tashaday qof ama ka badan aan indhaheennu qaban oo meel buush ah ku dhex jira.

Bandow

Waxaan markiiba gaarnay magaalada Berbera ee xeebta ah.  Waa bandow habeenkii.  Waxaan ku degnay Hotel Yaxye.

Berbera waxaa igu soo dhoweeyay saaxiibkeey Maxamed Siciid Warsame “Kuukaay” oo aan Radio Muqdisho ka wada shaqeynay loona magacaabay mas’uuliyad sare oo aan u maleynayo in uu ahaa ninka u sarreeya Canshuuraha Berbera.  Magacaabiddiisu waxay ka dambeysay markii uu shahaaddada MBA ee maamulka ka qaatay Machadka horumarinta Maamulka iyo Maareynta ee SIDAM oo shahaaddadaas ay wadajir u bixin jireen Jaamacad Mareykan ah.  SIDAM shaqaalaha Dowladda ayay tababbari jirtay, waxaana ay Jaamacad Mareykan ah la billowday waxbarasho qaarna Muqdisho lagu qaadanayo qaarna Mareykanka oo shahaaddada MBA laga qaato.

Maxamed Siciid wuxuu ii sahlay in madaxda Dowladda aan si fudud isu wada arragno iyo in xataa ayadoo Bandow ah naloo oggolaado dhaqdhaqaaq habeenkaas oo aan booqannay goobo iyo dad aan dooneynay in aan aragno.  Jawi cakiran oo cadow aan annaga noo muuqan la iska jiro ayaan Berbera ka dareemay.

Hal habeen ayaan seexannay.

Berri subax

Magaalada ugu culus xagga tirada dadka ku nool, xagga tirada hey’adaha Dowladda iyo kuwa ajnebiga ee ku howlan, xagga xamaasadda SNM ee hoosta ka kareysa iyo xagga tirada indhaha hey’adaha amniga ee eegaya dhaqdhaqaaq kasta iyo waxa looga dan leeyahay waa Hargeysa.   Waa magaalada ugu xasaasisan inta aan soo marnay.  In aan howsheenna ka fulinno ayaan rabnaa annaga oo bed qabna, isla markaana aan xorriyaddeenna iyo xorriyadda qof kale midna aan khatar gelin. Feker iyo farsamo ayay naga dooneysaa.

Inkasta oo aan Berbera seexannay, habeenkaas oo dhan waxaan ka fekerayay berri sida aan u wajihi doonno Hargeysa.