Total Pageviews

Tuesday 1 December 2015

Xalka Gaalkacyo waa laba Midkood

Marxaladda ay Gaalkacyo mareyso, ilama ahan in ay shaqeyneyso in ay sii lahaato laba Guddoomiye Degmo iyo laba Taliye Booliis oo oo kala madax bannaan.

Gaalkacyo waxaa xal waara lagu gaari karaa laba middood.

In maamulka Gaalkacyo oo dhan la raaciyo labada Dowlad Goboleed ee ay hadda magaaladu u qeybsan tahay middood.

In sida caasimadda Soomaaliya, Gaalkacyo ay noqoto magaalo maqaam gooniya leh oo aan ka tirsaneyn Dowlad Goboleed.

Haddii la doorbido in Gaalkacyo la hoos geeyo hal Dowlad Goboleed, waxaa lamahuraan ah oo daba socon doona shuruudo iyo awood qeybsi hor leh oo heer Gaalkacyo iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Haddii Gaalkacyo maqaam u gooni ah la siiyo oo ay ka hoos baxdo labada Dowlad Goboleed waxay yeelaneysaa Dowlad Magaaleed ay maamulkeeda ku dhan yihiin bulshada degaanka oo dhan oo ay ku jiraan beelaha looga badan yahay degmada.

Waxaan u arkaa in mar kasta oo labadaas arriimood wax aan ahayn xal laga raadiyo, ay tahay in la sii daahinayo goobitaanka xal kama dambeys ah. Mar kasta oo xalka la daahiyana waxaa khatar loogu jiraa in colaaddu ay soo laabato.


Waan soo dhoweynayaa qpfkii i bari kara wadiiqo aan labadaas ahayn oo xal waara looga gaari karo Gaalkacyo.

38 comments:

  1. Somaliya waxaa xal looga dhigay , waxaan xal u noqonkarin ,faderaal xisaab ahaana aysan u qalmin ? Waxaa jira xisaab aan qaysamin ?laakiin xal laga gaaro , laakiin somaalidu uma jeedo , hada, xalka gaalkacyo ka dhacay looga ma laabandoono , waxaan leeyahay , xal keena, ragiina xisaabta qaabinayoow , gaalkacyo waxay soo martay ayadoo lawada daganyahay hadana aanu ka jirin, nidaam dowladeeda , laakiin caqligu shaqaynayay , hada waxaa sheeganaysaan ama tihiin nidaam dowladeed , una muuqda mid wiiqaya wadiiqadii , lugu wada noolaa , agmarsan heerbeegtii , xalku muxuu yahay? Xisaabtu, waa qaybsantaa hadii caqligu shaqeeyo , 1gudoomiyaha gobolka, siiya putland,2 taliyaha ciidankana galmudug , inta kalana sidaa iyo si lamid ah, u qaybsada , iga raali noqda hadaan keenay, raiyi qaldan

    ReplyDelete
  2. Yuusuf, gobolka Mudug laba degmana maamul baa kataliya labana maamul kale, Gaalkacyana way qeybsantahay, waa saad sheegtaye waxaan marka wanaagsan in degmooyinka kale ay kasii mid ahaadaan maamuladaas Gaalkacyana laga madax baneeneeyo maamul goboleedyada. Oo magaalada qabiilo badan oo soomaaliyeed baa degane si wanaagsan oo cadaalad ah wax loogu qaybiyo. Wixii dhacayna laga heshiiyo, ma ahan wixii dhacay todobaadyadii lasoo dhaafay, laakiin laga soo bilaabo ilaa 1991kii. Kalsooni daro weyn baa jira, dadkaana lama heshiisiin.

    ReplyDelete
  3. Yusuf, arrinta waxa gundhig u ah maamul goboleedyo (federal) saldhig looga dhigayo qabiil, soomaali waxay rabtaa inay qabiil ka dhigato miisaanka ay dawladnimadeeda ku dhisayso. Gaalkacayo oo keliya ma aha, ee meel kasta dhibta nidaamkan la xiriirta waa taaban doontaa hadda iyo had kale oo mustaqbal dhow ama fog ah. haddii aan caqligu shaqayn, oo talada qabqablayaasha qabiil la tuurin, oo cidda talin karta loo garaabin, oo aan la garan in danta guud loo wada dabran yahay, wacade lama nasan doono.

    ReplyDelete
  4. Anigu Dhibka Ka Dhacayey Gaalkacyo Beryihii Danbe Uma Arko In Qabiil Uu Salka Ku Hayo se Wuxuu U Badanyahay Loollan Siyaasadeed Oo U Dhexeeya Dad Kala Taageersan Maanulada Dawlad Goboleedyada Oo Waliba Ay Dabada Ka Riixayaan Ragga Hogaanka U Ah Taasna Waxaa Caddayn U ah Hadalada Colaadda,Yasmada,Xaqiraada Iyo Xaqduudsiinta U Badan Ee Ay Hawada Isku Marinayaan iyo Iyada Oo Aanay Xisaabta Kuba Darsan Cawaaqibka Ay Sababi Karaan Wararka Ay Shacabkooda Ku Calool Debacsanayaan Ee Ay Is Léyihiin Teegeero Kaga Kasbada Waxaana Xaqiiqo Ah In Ay Sahlanaan Lahayd Sida Loo Xalliyo Colaad Qabiil Laakiin Ibtiloda Aanay Soomaalidu Khibradda U Lahayn Uu Yahay Habka Federaalka Oo Dadka Qaarkood U Haystaan In Uu Reer Ku Salaysan Yahay Waxaanan Aaminsanahay In Faraha Looga Guban Doono Haddaan Dib Looga Fiirsan

    ReplyDelete
  5. Xal sadexaad ayaa jira. Waa in labada qolo mid kamida la muquuniyo. Siday aniga ila tahayna, xalkaan ayaa ka dhow labada kale.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  6. Xal sadexaad ayaa jira. Waa in labada qolo mid kamida la muquuniyo. Siday aniga ila tahayna, xalkaan ayaa ka dhow labada kale.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  7. Yusuf, puntland waxaa la aasaasay 18 ka hor, galmudug DAdka asal ahaan ka soo jeeda waa loo soo bandhigay waydiiden wax lagu qasbay ma jirin.
    Maamul ay ku qanacsan yihiin bay samaysateen puntland wax dhiba kama keenin waaba taageer tay, dhibaatada way is ka jirtay waligeed dagaalna waa ka dhacay jiray.
    Puntland 1 meter oo dhulka reer galmudug ma galinayaa, maamulka cadaado markii la samee yes wuxuu sheegtay Ilaa buurtinle .

    Marka walaal yusuf MAAD runta ka hadashid oo arintaas cadaysid?

    ReplyDelete
  8. Aniga waxaan qawaa in Mudug laba gobol lookala qeebiyo sida kadhacday wadama badan oo south mudug and North Mudug. Markaas galmudug waxee dhamiistiree sharuuda eh labo gobol. Sidaas ayee ilatahay in xal lagu gaarayo.

    ReplyDelete
  9. Itoobiya waa federal. Waxaa ka jira 9 maamul-gobol iyo 3 maamu-magaalo. Gobollada hal qoomiyad u badantahay waxaa la siiyay maamul-gobol, killi 5(soomilada), 3(tigreega), 4(oromada). Magaalooyinka qoomiyaduhu wadaagaanna waa maamul-magaalo la wadaago maamulkeeda: waa Dire Dawa, Addis iyo Harer.

    Soomaaliya fikraddaad dan badan baa ugu jirta haddii laga soo qaadto. Ma aha in la kala adkaaday ama qolo la tirtiray. Dugsi, guri, masjid iyo dukaan kasta halkiisa laga rarimaayo. Dadku waa waa walaalo. Tamarta, lacagta iyo wakhtiga la galinayo in la kala adkaado waxaa lagu weecin lahaa horumarka

    Fikradda kala adakaandoonka ah way shaqayn wayday: dal dhan ayaynnu ku burburinay.

    Reer Mudug waxaa lagu xantaa inay yihiin dad maleeg badan.

    Maanta reer mudug waxaan uga fadhinaa inay noo horseedaan jidka isu tanaasulka iyo wada shaqaynta. Taas gaalkacyo kaliya xal uma noqoteen, magaalo kasta iyo gobol kasta ayay daawo u noqon kartaa.

    Su'aashu waxaa weeye haddii reer Mudug la yiraa dad aqli badan, ma yihiin dad le geesinada isu tanaasulka.

    Geesiga dhabta ah waa ninka nabadda u tanaasula, ee qabkiisa jeebka danbe gashada.

    Yusuf Garaad, fikirkaaga saliimka ah fikir ka fiican igu ma soo dhicin. Waan soo dhawaynayaa 100%.

    Waxaan ka baqayaa inaan loo bisalay, oo dad badan u baahanyihii rubuc qarni kale oo "i jiid aan ku jiidee ah" si xaqiiqada iyo danta ummadda loo garowsado loogana gudbo "aabahay baa aabaahaa ka geesisan".

    Mahadsanid

    ReplyDelete
  10. Galkayo waa lawadadaganaa heshiisna waa lagu ahaa waligeedna wax waa dhici jireen lakiin dhaqan iyo odayaal baa xalin jiray Lakiin hada waxaa.mushkilada keenay dadkii cadaado isugu yimid oo culimo aqoonyahano siyaadiyiin indheergarad oo dawlada fadaraalku goob jooga ka ahayd oo dasturka inta qortay isku raacay xaduudka Galmudug waa inta burtinle kasokaysa ama xuduuda udhaxaysa mudug iyo nugaal.
    Marka soo lama oran karo mushkiladu halkaas bay katimid wll adoo raali?
    Puntland ayadana waxaa dastuurka ugu qoran gobolka mudug lkn masheegtaan gobolka dhan oo iyaguna qaladka waxbay kuyeelanayaan.

    ReplyDelete
  11. Scw, Dadku waa dagaalaa dabadeena heshiiyaa, aduunka waxan laga heshiin majiro hadii umada ilahay wanaag garan siiyo, waxa.laysku hayaa waa Awood qaybsi iyo siyasad taasina iska dhaaf dad isdhalay oo wada dhashaye kuwa aan isku af diin iuo dhaqanba ahayn ayaa wax ku heshiiyay side Ethiopia, mida kale Dire dawa waxaa siku haysta laba qoomiyadood iyo wax ka badan sidaas darteed ayaa counsel looga dhigay.Harar waa kili gooniya(14) waana qoomiyada Hererida, Addis waa Caasimadii qomiyadaha waxayna leedahay ismaamul gooniya Xisbihaan ayaana wax looga soo doortaa , sidaas darteed marnaba lama garab dhigi karo Gaalkacyo.
    Arintani waxay ubahan tahay isutanaasul hadii Somalinimo loo socdo..
    Waxaa kale oo iga Su'aala wahtigii putland la'dhisayay maxay Gobalka Mudug dhan ugu darsan wayday inta ay laba kaliya ku darsatay?

    ReplyDelete
  12. Aad baan kuugu raacsanahay, weliba waxaa aniga ila rajaxan in Dowlada dhexe la hoos geeyo magaalada Gaalkacyo si shidadeedu u yaraato.

    ReplyDelete
  13. YUSUF waa mahadsantahay 2daas qaaba waa macquul laaakin waxa aan isleeyahay haatan WAQTI ama IMKINAAYITAAT looma hayo? ama xattaa MASKAXDA DADKU U MA DIYAARSANA. Tusaale ahaan 2da maamul midkood RAAC waxay uga dhigantahay qof ka reer galkacyoodka ah HEYBTAADA/ QABIILKAAGA ISKA BADAL!!!.

    Ka waran haddii:
    1. la SOOHDIMEEYO dhulka ay 2da maamul iska galaan.
    2.qaaab canshuurta XARUMIHII dowladii horena loo wadaago la dajiyo. 3.Dowladda dhexe Commission keeda Xuduuduhuna ama cid kalana ay dabagasho Galkayo xaaladeeda talaabana laga qaado cidii xad gudub la timaada (waa hadday Dowlada Somaliya awoodo)!.

    FG: khilaafyada kale ee mudug ka dhaca sida dilalka anaanada ku salaysan, mahan kuwa keena isku dhaca labada maamul.

    ReplyDelete
  14. Wariye yusuf garaad hadii reer mudug ay maamul ku midoobi karaan hade federalkaba lama qaateen xaga dabeecadana dadkaasi ma noqon karaan roommate way adag tahay in ay wada degaan laba qof oo midna tvga oo daaran ku seexdo midna aan seexan karin tvga oo daaran waa in ay kala guuraan

    ReplyDelete
  15. Yusuf Garaad wad qaldantahay inbadan.
    Xalka Gaalkacyo iyo Soomaaliya oo dhan wa in LAWADA NOLAADO.
    Hadii muslin iyo gaalo cadaan iyo madow dowladaha aduunka oo dhan wada noolyihin maxaa anaga oo isku af isku midab isku jinsi ah noo diidaayo???
    Doqonimo ayaa na heysataa. wariye caalami ah oo YUSUF GARAD oo kale ah hadii uku talinaayo kala qeybsi tolow yaa umada umaqan oo wada noolaansho dadka bari doona??!

    ReplyDelete
  16. Caqliga Hawiyaha baa intaas kuwada kooban in gaalkacayo lawadaago, war gaalkacayo maahan meel laba reerood wada dagaan gaalkacayo baraxlay maahane inta kale waa maamul baraxlayna ama si dagan baa loogu noolaan ama saas baa looga qaxin oo qax lagu jirin waxay ku xiran tahay cida dagan inay nabad rabto iyo in kale

    ReplyDelete
    Replies
    1. Carabkaaga qibiil ka dhowr sxb cabdifitaax oo doon somaliweyn iska ilaali xamiya qabaliya mafiicna nabi maxamadna waa ka digay nnkk.

      Delete
  17. GOBOLKA MUDUG LABA GOBOL HALA DHIGO...GAALKACYANA LABADAAS GOBOL HALA KALA RAACIYO OO HALOO QAYBIYO!!!

    ReplyDelete
  18. Ka warrama doorasho ka dhacda Gaalkacyo?

    Su'aalaha doorashada:

    1. Wxn rabaa inay Galkacyo laga xukumo Galmudug
    2. Wxn rabaa inay Galkacyo Puntland laga xukumo
    3. Wxn rabaa in Galkacyo noqoto
    maamul-magaalo

    Kiiska Galkacyo haddii aan lagu xallin codayn, Soomaaliya ma ka dhici kartaa doorasho hal qof - hal cod?

    ReplyDelete
  19. GALKACYO XALKA KALIYA WAA IN HAL MAAMUL MAGALADA KATALIYAA RUN AHANTINA MAGALA MAJORTY IYO MINORTY AYAY LEDAHAY MARKA DADKA LOGA BADANYAHAY OO MARTIDA KU AH HADAY DHIBKODA LAXAKAMAYN WAAYO IYAGAA FUDUD OO GURAYA

    ReplyDelete
  20. Mudan Yusuf mahadsanid bro. wakugu raacsanahay qoraalkaaga way 3 majiro wana sidaad u sheegtay. lkn waxan layabahay dadka manta qabiilka udoodaayo oo Galmudug iyo Puntland kala tageeraya 2 badaas odey oo cawaanta ah Waa Gaas iyo Guleed oo ku fashilmay dawladii dhexe markay madaxada ka ahaayeen hadana dadka wax ka sugayaa waa qaldan yihiin!!! wiilasha afka ka uburnaaya oo tageerayadagaalka beri markaad ku dhaawacantid ama ku dhimatid ayaad xaqiiqada ogaynsaa. Guleed iyo Gaas na waxba gaari mayaan ilmohooda mee nabada ah ay ujoogaan.. waxan ka codsanaa dadka somaliyeed ee Dagan mudug gaar ahaan Gaakacayo ineey dagaalka ku mudo haradaan oo diidaan hadii kale waqti danbe ayaad ka shalaayi doontiin!!! Mr garaad mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Wiilasha dhinta/dhaawacma dhiiggoodu dahab: waxaa lagu madaxnimo iyo lacag. Ninkii dhinta maxaa iga galay ciyaalkaygii Yurub iyo Amerikay wax iigu bartaane.

      Wali lama fahmin xisaabtaas.

      Delete
  21. Ninlabeey talo ma keenin Yusuf waxay ugu dambeyn kula tahay inaad cabirto ayaa ila qumaneyd adoon doodaada 2 ka dhigin

    ReplyDelete
  22. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  23. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  24. (Murti) nin waalan ayaa la yiri dabka ka fogeeya yuusan guriga naga gubine, yase yeeshee ninkii waalnaa ayaa yiri "Haddaadba isoo xasuusiseen"

    Waxay ila aheyd in is maamulka dowladaha hoose loo qeybsaday hab federal ah. Gaalkacyo Waxay ka mid tahay MUDUG waana Galmudug. Ciddii aan ku qanceyn qeybtii ay federalism ku heshay (centralised government) ha ku qanacdo. Waayo ah clanism government kama jiro dunida.

    ReplyDelete
  25. waxaan anisanahay gobolka mudug in san kaduwanay magaalada ceeligaabo sida fredaraalka loodhmaystiro waa adagtahay ee somali waxay kusocotaa meel xun waxaana geeyay meesha qabiil alow sahal amuuraha

    ReplyDelete
  26. Yusuf Garaad, hor iyo abbaato waad ku mahadsan tahay arrintaad nala wadaagtay, guud ahaanna anigu waa kula qabaa, sababtoo ah waxaa la yidhi "nin labo faras isku fuulay waa kala qararmaa", khaasatan Gaalkacyo uma baahna ibleys labo madax leh (two headed monster). Waxaase kaloo xusid mudan, Guud ahaan Soomaalidu way is sharootaynaysay in dhawaalaha, waxaan taas ula jeedaa boogta sidii ay ku bogsoon lahayd lagama shaqaynayn oo dusha ayaa laga dhayayey, mana ahan wax Gaalkacyo keliya ku kooban,ee waa Soomaaliya oo dhan. Bal eeg, sidii dagaalkii sokeeye u dhacay, weli yaa maqlay beelihii dagaalamay oo gogol nabadeed loo dhigay, si caam ah loo nabadeeyey, oo intay geed hoostiis fariisteen si sarraaxad leh loo wada hadlay, oo qolo walba waxa aan ogahay inay uurka u jiifaan is faaruqiyey oo isku dilqay, markaas kaddibna la isweydiiyey maxaa xal ah, maxaa inoo dan ah, xaggee uga dhaqaaqnaa maanta meeshaan, oo sidaas beeluhu ku heshiiyaan iyadoon siyaasiyiin dano gaara leh iyo bulshada caalamku ku kala dhex jirin, waataas siduu dhaqanku ahaa oo beeluhu ku heshiin jireen. Taasi ma dhicin, sidaas daraaddeedna dagaalkii sokeeye ma dhammaan! yaan been la isu sheegin, waxaa tusaale kuugu filan reer walba hubkoodii way haystaan weli, waana kaas laysku laynayo, tusaale kale, magaalooyinka Soomaaliya badankood waxaa loo kala daggan yahay xaafad xaafad, waxaad maqlaysaa xaafadda reer hebel iyo xaafadda reer hebel, oo maxaa kala dejiyey, sababtoo ah waxay rimman yihiin ama maaggan yihiin inay (any minute) is dagaalaan. Soomaalida meel kastoo ay joogaan buufis bay bastood la yihiin, uurkay wixii lasoo maray isugu wada hayaan, waxaad kaloo buufiskooda ka daalacan kartaa hab-dhaqanka arooskooda iyo durbaannada qabyaaladaysan oo laga tumayo, xataa waxaad maqlaysaa arooskii reer hebel iyo reer hebel. Isku soo wada duuboo, yaan boogta la sharootayn, yaan been la isu sheegin oo hadba meel aan xalku jirin laga doonin, waxba yaan la oran dawladda ku meelgaarka ah (oops illeyn ku meelgaarkii way ka baxday), nidaam hebel baan qaadannay, war kuwiinnaanoow xagga isugu bayra sidaasaad dawlad goboleed ku tihiine israaca, kuwiinnaanoowna xagga isugu bayra. Bal maxaa hadda Gaalkacyo, laga sheegayaa oo loogu walaahoobayaa, oo intaas oo madax ah ka qabanayaan aan ka ahayn inay xiisad (tention) sii abuuraan ( waan ka xumahay dhibka Gaalkacyo, gurmadna waa mudan yahay)? Balse, isweydii ma Gaalkacyo keliya ayuu dagaal ka dhacay toddobaadyadii lasoo dhaafay, mise kan Gaalkacyo hoos baa dad uga faraxsan yihiin? facts: Labadii toddobaad oo lasoo dhaafay dagaal beeleed baa ka dhacay Beledweyne iyo Jawhar, meelo kale oo koonfurta ahna wey ka deganaysay. Maxaa loogu gurnan waayey? Iyagu miyaysan istaahilin in loo gurmado min federaal, dawlad goboleedyada, bulshada caalamka, safiirrada iyo xataa qarammada midoobay, waxaan isleeyahay "baroortu orgiga ka wayn". Isku soo xooriyoo, intaysan xeeriyo fandhaal kala dhicin beelaha Soomaaliyeed oo dhan gogol nabadayn ah oo baahsan haloo dhigo, intii dagaal dhex maray oo dhan ama wax kala tabanaysa. Mahadsanid

    ReplyDelete
  27. ADEER BARAXLEEY GAALKACYO DADKA DEGEN WAXAY KATAHAY 9% MARKA MAJOORITIGA HADAYSAN RAACAYN , HADEE NABAD HAKUJOOGAAN CID KHASAB KULEH MAJIRTO TAAS XORBEY U YIHIIN.
    LAAKIIN DAANDAANSIGA IYO DIYAARAD BAAN SOO RIDAYNAA IYO MID YIRAAHDA WADO HADHISANINA HAJOOJIYEEN.
    HADII KALE MARBA INTAY QAXAAN BAA LASOO CELIN. TAASNA LABADA DHINACBA DIB UDHAC BAA UGU JIRA.

    ReplyDelete
  28. Xalka ugu macquulsan waa in laga dhex dhiso darbi kala badbadiya naftooda. Dad baa soo boodaya oo dhahaya muxuu yahay darbigu dad walala ah oo hal magalo wada dagan oo isku wadan ah darbi macquul mahan... Haday isku diin isku dal iyo isku dadba yihin ayna isdilayan soo darbigu xal noqon maayo. Wax ka xun dhiig muslim oo ladaadiyo maleh aduun iyo akhiraba . marka haduu darbigu dhiigoda baajinayo miyeysan ahayn wax fiican oo ilahayn raali ka noqonayo...

    ReplyDelete
  29. Xalka ugu macquulsan waa in laga dhex dhiso darbi kala badbadiya naftooda. Dad baa soo boodaya oo dhahaya muxuu yahay darbigu dad walala ah oo hal magalo wada dagan oo isku wadan ah darbi macquul mahan... Haday isku diin isku dal iyo isku dadba yihin ayna isdilayan soo darbigu xal noqon maayo. Wax ka xun dhiig muslim oo ladaadiyo maleh aduun iyo akhiraba . marka haduu darbigu dhiigoda baajinayo miyeysan ahayn wax fiican oo ilahayn raali ka noqonayo...

    ReplyDelete
  30. General itoobiyan ah talada ha u dhiibtaan reer gaalkacyo,, kolay mar aan fogayn si toosa xabashibay u hoos tagi hadii aan dhaqankan federaal ku sheega ah iyo nacaybka dhaqan xumadu u dherrtahay wax laga badaline

    ReplyDelete
  31. Yuusuf garaad waa arin wanaagsan lakiin markii ladhaho labada maamul goboleed midkood halaraaciyo
    Inay saldhiganayn ayey ila tahay aniga maxaa yeelo degeen baa jiraaye saami qaybsina waa muhiim

    ReplyDelete
  32. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  33. Waa ay adag tahay in Gaalkacyo oo hal mgaalo ah in la raaciyo Dowlad Goboleed, sababta oo ah 1) Puntland ma ogolaanayso (khaasabtan reer Nugaaleedka iyo reer Bari-gu ma ogolaanayaan in dadka dega Koonfurta Mudug lagu soo daro Puntland oo awalbay khaatiyaan ka taagnaayeen kuwa la dhashay ee Waqooyiga Mudug dega, 2) In GalMudug lagu darona waxaa diidan inta degta Waqooyiga Mudug oo ma rabaan inay ka go'aan Nugaal iyo Mudug 3) In maqaan gaar ah loo sameeyona macquul ma aha oo dadka wada dega Gaalkacyo sidoodaba ma aha dad u samaysan in ay wax qaybsadaan, waxayna u arkaan inaysan isku dad ahayn, isku dhaqan ahayn, isqaadi karin, heshiin karin ama wax qaybsan karin. Waxaan isleeyahay xalku wuxuu ku jiraa in dhulka loo kala calaamadiyo, ama derbi adag oo kala qaybiya laga dhex dhiso labada dhinac ee Gaalkacyo.

    ReplyDelete
  34. Yuusuf gaalkacyo waxay u baahan tahay in ciidamo itoobiyaan ah la geeyo oo ay talada ayaga ka go'do qofkay doonaana ku ilaashadan sida dhamaan afka kismaayo, baydhabo, gedo iyo meel walbo xabashiyi joogto ka dhacda, markaasna laguma dagaalami doono oo waxa adkaanaya kooxda xabashida la shaqaysa sida kismaayo horay uga dhacdoo kale.
    Xalka yuusuf aad soo jeedisay waa xalka saxda ah laakiin allah hana gaarsiiyo waqtigaas aan dalkeena anagu u tashan karno leenahayna madax karti iyo wadanimo iyo daacadnimaba leh amiin.

    ReplyDelete
  35. Puntland in la raaciyaa very logic ilaa ah sida aasiyaadkii dawladnimada, iyo,koronto,dukamadii dawada airportigii dhulka puntland xukuntaana kaweyn baraxleey maadaama dhinaca kale..Sinaan saan iyo si U dhow usan ahayn baraxleey hasoo raacdo puntland state waayo sacad waagii horeba waxay shaqaale,askar,khabaan,fardahana U muri jireen #Suldaan cali keenadiid.

    ReplyDelete
  36. Puntland in la raaciyaa very logic ilaa ah sida aasiyaadkii dawladnimada, iyo,koronto,dukamadii dawada airportigii dhulka puntland xukuntaana kaweyn baraxleey maadaama dhinaca kale..Sinaan saan iyo si U dhow usan ahayn baraxleey hasoo raacdo puntland state waayo sacad waagii horeba waxay shaqaale,askar,khabaan,fardahana U muri jireen #Suldaan cali keenadiid.

    ReplyDelete