Total Pageviews

Tuesday 12 January 2016

Aayaha Soomaaliya mise Aayaha Koofurta?

Soomaaliland yaa uga wakiil ah ama ku matalaya madasha Kismaayo?

Haddii ay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Soomaaliya ee Kismaayo ku shiraya oo kulligood reer Koofureed ah ay keligood fadhigaas ku gooyaan saami qeybsiga kuraasta Baarlamaanka iyo habka loo soo xulayo Xildhibaannada 2016, maxay uga duwan tahay in iyaga oo aan afka ka dhihin ay haddana muujinayaan in Somaliland iyo siyaasiyiinta ka soo jeedaa aanay talada dalka wax ku lahayn?

Sow taas macnaheedu ma noqon karo Somaliland waa dal gooni ah? Sow falkoodu ma noqonayo billowga aqoonsiga Jamhuriyadda "aan jaarka nahay ee" Somaliland?

Miyaan laga baqeyn in Soomaalida woqooyi ee Midnimo-doonka ah uu ku dhasho dareenka ah nin laga tashayadow tasho?

Miyeysan caqliyadda noocaan ahi markhaati u noqoneyn eedeyntii Dr. Cali Khaliif Galaydh (masawirka) uu ka jeediyay Cadaado 2015 ee ahayd in kala go’a dalka laga wado Koofur?

In khalad la timaamo, haadaanta laga digo, caddaalad darradana farta lagu fiiqo macnaheedu ma ahan in la jabo in la jecel yahay.

Madasha Kismaayo waxaan u rajeynayaa in ay ku dhammaato is afgarad ayna ka soo baxdo soo jeedin nidaamka siyaasadeed ee dalka hore u marin karta marxaladdan xasaasiga ah ee Kala-guurka ama Kororsiga. Taariikhduna weyn qormeysaa.

F. G.
Sawirka Cali Khaliif waxaa uu ka tarjumayaa in aan soo xigtay hadalkii uu ka jeediyay Cadaado 2015.

57 comments:

  1. Sheekadani waxay.xaqiiq u taabanayaaa macnaha dhabta ah iyo wax kasocda kismaayo , soomaalidu waxay dhahdaa "maraqa macabo laakiin fuudkiisa jeclahay "
    Reer koonfureed kalagoynta ma jecla laakiin midnimada waa naceb yahay
    Mahdsnd yusuf

    ReplyDelete
  2. Dalkan Allaa u maqan, dadkanna Allow ur u bixi,maadaama maamul goboleedyada hada ordaya oo aad moodo in ay yihiin rag si dimoqraadiya lagu soo doortay waxa ay ku socdaan waa maamul qabiil saldhig u yahay, sidaa darteed, maxaa loogu diiday in la garab fadhiisyo "Khaatumo" waa maamul sidoo kale hab qabiil ku dhisan ee maa lala fadhiisiyo?

    ReplyDelete
  3. Markii horaba, Somaliland waxay la midowday Somalida koofureed.
    Waxba kuma jabna hadii Somalida koofureed oo midaysani, mar kale wada hadal laa furaan Somaliland.

    Aniga ahaan kumaba taliyeen in Somailand ma dhamaatada koofurta xubin ka noqdaan.

    ReplyDelete
  4. Yusufow adiga laftaada ayaa caadalad daro ku hadlaya markaad ku doodayso siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Koonfur ka xoogsada shirka kismaayo door halaga siiyo. Yusufow waad og tahay in dadka reer SOMALÄ°LAND doorteen dawlad iyo nidaam si dimuqraadiya loogu codeeyay, kuwaas dadku doorteen uunbaa dadka reer Somaliland matali kara. Nin calooshiisa u shaqaynsanaya oo mashruuc qaate ah ayaad leedahay Somaliland ha matalo, cadaalad darada ugu wayn adigaa wada, anigoo u dhashay Somaliland waxaan ku amanayaa Hasan Sheekh iyo madaxda koonfureed inay nimankaa Somaliland u dhashay ka xanqarsadeen oo masayrka Somaliland aan waxba laga waydiinayn. Yusufow nin aqoon la tahay oo hadana khibrad leh, Somaliland Hasana adigaa uga aqon badane markaan sidan u hadlayso caqligaad naga caayaysaa. Xaqiiqda usoo noqo walaal.

    ReplyDelete
    Replies
    1. That's really really true wxn leeyahay k/somaliya kala tagnaye aynu kala turxaan la.aano

      Delete
    2. That's really really true wxn leeyahay k/somaliya kala tagnaye aynu kala turxaan la.aano

      Delete
  5. Mahadsanid yuusuf sxb lkn waxaad ogtahay in somali ay ku yar tahay cadaalada hadey ahaan leheed maamul goboleed yada ama dowlada dhexe waxaan wada ognahay sideey ku imadeen mana laga sugaayo in si cadaalad ah wax lagu qeybsado insha allah waxaan rajeynaa mid ka roon midaan iney imaato

    ReplyDelete
  6. Yuusuf warkiisa waxaan u fahmay Cali Khaliif kooxdiisa dibbad wareegaha hala aqoonsado ka hor Madasha Kismaayo.Yuusuf waxaan u sheegi lahaa iyo Soomaalida Koonfureedba,calaacal haddii ay timo kasoo baxaan,waa haddii ay Somaliland soo noqoto. Allaa weyn

    ReplyDelete
    Replies
    1. cali khaliif waa madaxweynaha DHULBAHANTE EE khaatumo state of somalia waana muqadis in uu dad kiisa iyo dalkiisa xukumaa.siilaanyona waa madaxweynaha jamhuuriyada isaaqa ee soomaaliland waana muqadis, qabiil walboo soomali ahna in ay qadiyadooda iyo madaxweynahooda taa geeraan waa muqadis.sl inay soomaaliya ka godaa waa muqadis, khaatumana in ay sl kagodaa waa muqadis. soomaalidu in ay murantaa waa muqadis, mid walbana in uu aaminaa in uu isagu saxanyahay waa muqadis. aniga naftirkayga magacayga ah JAAMAC KALSHAALE IN AAN BEDELAA OO AAN U BEDELAA JAAMAC MUQADIS, IYADUNA WAA MUQADIS.

      Delete
  7. Mudane Yusuf wadankaan Cadaalada aad shegeysid waa kuyatahay in maanta somali meel sagu timaaday aay kawada hadlaan si daacad iyo cadaaladi kujirto badanaa dadka hadlaya ninkastaahi waxuu eegayaa dantiisa gaarka ah

    ReplyDelete
  8. Yusuf, Golaha Shacabka Somaliya ee hada jira wuxuu ku dhian yahay 4.5 qabiil.
    Kuwa Kismayo jooga hada 3 qabiil oo rabaan in ey goaan ka gaaraan masiirka SOMALIYA.
    Aaway 1.5 kale???

    ReplyDelete
  9. Umad yaa lagu daalinin waxaan waxba kasoo baxaynin ileen dadka meesha wada yimaaday ama imaanaaya waa matalayaan ay matalayaan dowlada kale

    horaa........
    waxaa loo yiri aduunka waa maadeys dadkana wey matalayaa dar alle qabyo utahay .......

    ReplyDelete
  10. Yusufow mar inaad tiraahdo siyaadiyiinta Somaliland halaga qeyb galiyo sgirka kismaayo si cadaalad darada looga gudbo 5 haddana waxyaabaha aad isyicmaashay waxaa kamid ah Jamhuutiyadda aanu jaarka nahay ee somaliland. Sideey isku qabanayaan inaan jamhuuriyad somalia daris la ah ku tilmaamto iyo in aayaha sonalia laga qeyb galiyo?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Guuleed wax baan ka yara beddelay. Waad ku mahadsan tahay su'aasha talo soo jeedinta ah.

      Delete
    2. Oh Guuleed baa hortay ka hadlay. Oo ma inaad parenthesis geliso ayaad wax uga bedeshay?

      Soomaali baad u qortay qoraalkan Soomaalida badidooduna maba fahamsana ama uma dhug yeeshaan qowska aad meesha dhigtay. Haddii qoraalkaagu markii hore aha qows la'aan taas ayaa xaqiiqo ah meesha principally aad ka taagan tahay Soomaaliya maanta.

      Delete
  11. yuusuf rabshada jooji. midnimada puntlaan waa muqadis, tan soomaaliland waa muqadis, tan soomaaliyana waa muqadis, tan qabiilkastoo soomaaliyana waa muqadis. wax walba waa muqadis, shirka kismaayo qabiil ahaan ayuu miqadis u yahay, qabiilkasta oo soomaali ah waxay rabaana waa u muqadis. maamulada aanan soo sheegina waa muqadis. adiga naftirkaaga yuusuf waxa aad jeceshahay waa muqadis. yuusuf waxaad jeceshahay in koonfur iyo woqooyi wax loo qaybsado iyaduna waa muqadis, cid walba cid aysan raali ka ahayn in ay metelaan waa muqadis, ilaa qiyaamaha laga gaarayo xaalada soomaalidu waa muqadis.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
  12. Waydiimah ah sidee taliska koonfureed ula dhaqmayaa waqooyi? iyo su'aasha kale ee ah taliska Somaliland ula dhaqmaysaa Somali?
    Sicad labada talis midkoodna ugama jawaabin, waxa ay wadaan waa hal adayg nimo iyo jawaabo fal celin ah mana jirto siyaasad rasmi ah oo midkoodna ka leeyahay midka kale qaab la dhaqan kiisa.

    ReplyDelete
  13. lkn mudane Gaard sida aan ogsoonahay madashii wada tashiga muqdisho waxaa joogay dad matalaya gobalada woqooyi marka mudan yuusuf garad soo laisma oran karo
    DFS way haleeshay iney xubno matalo woqooyi ay shirka kaqayb galaan, xildhibanadoda lasiiyo intii is afgarad uu ka dhacaayo....................
    dabcab way muuqataa madaxdena xusul duub aad uweyn ugama jiraan soo celinta gobolada woqooyi

    ReplyDelete
  14. maasha laah waa hadal qiimo weyn oo uu yuusuf garaad ka dhiidhiyay cadaalad darada lagu hayo khaatumo iyo dhamaan intii reer woqooyi ah ee doonaysa midnimada soomaaliya,taasina waxay cadayn u tahay in dalka la kala jarayo

    ReplyDelete
  15. sida aan aragno ama ay wax u socdaan cali khaliif na ka dhaawajiyey xafladii cadaado Waa wax aan qabanin dadka midnimada udhimanaya amaba reer woqooyi waxayna umuuqataa koonfur in ay dhabar jabku tahaya midnimo umadan soomaaliyeed oo la helo

    ReplyDelete
  16. lkn mudane Gaard sida aan ogsoonahay madashii wada tashiga muqdisho waxaa joogay dad matalaya gobalada woqooyi marka mudan yuusuf garad soo laisma oran karo
    DFS way haleeshay iney xubno matalo woqooyi ay shirka kaqayb galaan, xildhibanadoda lasiiyo intii is afgarad uu ka dhacaayo....................
    dabcab way muuqataa madaxdena xusul duub aad uweyn ugama jiraan soo celinta gobolada woqooyi

    ReplyDelete
  17. Jamhuriyadda Somaliland yàawaaye?
    Yusufow ereyadaas dib ugu laabo, oo intaa is leedahay dad qanci adigu Somaliya Khalad ha ka galin. Somaliya waa mid (1), taas ayaana u baahan in laga shaqeeyo.

    ReplyDelete
  18. Waxaad Moodaa In labo noqdeen reer koonfureed mid aan wax badan ka ogayn Halla dalka iyo Halla afka loo saaray mid waji caabudoo soomaaliland iyo puntland rabitaankoodu khasab u qaatay oo caqli buuxinaya

    ReplyDelete
  19. Waxaad Moodaa In labo noqdeen reer koonfureed mid aan wax badan ka ogayn Halla dalka iyo Halla afka loo saaray mid waji caabudoo soomaaliland iyo puntland rabitaankoodu khasab u qaatay oo caqli buuxinaya

    ReplyDelete
    Replies
    1. Soomaalidu sideedaba ma laha "principle" difaac. Kooda ugu aqoonta badan ama qabiil baa ka leexin ama $$. Waa arin aan taariikhiyan u bayaamiyay.

      Ha ka sugin Soomaali badan inay xaqa iyagoo arka ay iftiimiyaan. Very few people do it indeed.

      Delete
  20. Yuusuf Garaad wax badan ayaad isku qaldeysaa oo aan isleeyahay inaad ogsoon tahay xaqiiqadooda:
    1- Rabitaanka Beesha Caalamka (Ethiopia iyo Kenya + xafiiska UNSOM) oo ah in Somalia la kala gooyo.
    2-In beelaha Soomaalida qaarkood adeegsanayaan awoodda Ethiopia iyo Kenya - waxaadna ka garan kartaa sida Tedros Adhanom uu 3 maalin howl la'aan iskaga fadhiyo Kismaayo isagoo meel iska soo dhigay Jadwalkii shaqadiisa.
    3- Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jawaari oo si weyn uga cago jiidaayo Shirka Kismaayo balse qasab ay tahay inay tagaan Kismaayo oo ay furaan shirka.
    Haddii aan u nimaado Arinta Somaliland - ma kula tahay Cali Khaliif Galayr inuu matali karo W/Galbeed, Togdheer, Sanaag, Sool iyo Awdal? Miyaadan ogeyn in Muqdishu joogaan siyaasiyiin ka magac weyn Cali Khaliif isla markaasina ka jeedo magaalooyinka Hargeisa, Burco, Boorame, Berbera iyo Ceerigaabo? Maxaa kuwaasi looga qayb galin waayey Shirarka Madasha Wadatashiga?

    Somalia in la kala gooyo waxaa ka shaqeynaayo Beesha Caalamka(Ethiopia, Kenya iyo xafiiska UNSOM), waxaana taabo gelinaayo Puntland iyo DF.

    ReplyDelete
  21. Yusuf Garadow arrimaha koonfurtu waxay ka soo bilaab mayaa markii jabhaddaha la ahaa taasi oo aan ururkii SNM waxba la iskag tirin tanina waxay daba socotaa uun tii inta halkaasi joogtana kuma laha ixtiraam iyo qadarin

    ReplyDelete
  22. A/c. Yusuf hadii aad dib u eegto hiigsiga 16 waxaad is weydiisaa yaa abaabulkiisa sare lahaa hadana gacanta ku haya, waxaa ku soo baxayaa wa wakiilka UN ka, mar la waraystay isagoo newyork jooga ayaa la weydiiyey suaashan aad raadinaso waxuuna ku jawaabat sidan,"somaliland kama mid aha hiigsiga 2016" hadaan usoo noqdo ta khaatumo waxaad ogtahay in somaliland xag dhaqaale iyo xag ciidan ay maanta ka horeyso somaliya inteeda kale somaliyana sida loo kala awood badanyahay ayaa la isku ixtraama, tusaale maanta hadii maamulka koonfur galbeed uu dhaqaalo iyo ciidan isku filnaan laha lagama wada hadleen 4.5 hala badalo,tusaale 2aad, puntland xuduudeeda galkacayo wa lama taabtan lakin ta laascaanood indhaha ayay ka qarsataa taasi wa tusaalooyin aad adiga yusuf fahmi karto madaama aan kugu tuhmayo khibrad siyaasadeed iyo waayo aragnimo, khudbadii shalay ee siilaanyana waxay aheyd mid miisaankeeda leh mana aha in koonfur laga wado kala goynta somaliya. Gabagabadii, khaatumo ama siyaasiyiinta waqooyi ee jooga muqdisho waxay ka dhiganyihiin nin qaawan oo dadku ku khasban yahay inay wajiga ka dadban marka ay la hadlayaan si aanay cowradiisa u arag afkana aan uga sheegin war bal dhar soo xidho si aanu kuula hadalno.

    ReplyDelete
  23. 1. Dimoqraadiyadda Somaliland waa sidan: ninka u dhashay Somaliland, ee fikirkiisa cabbira Hargeysa dhexdeeda, una dooda midnimada Soomaaliya waa danbiile qaran. Aaway ku faankii dimoqraadiyadda? Xorriyatulqowlka?

    2. Siyaasiyiinta Muqdisho jooga ee reer Somaliland waa calooshood u shqaysteyaal? Kuwa ka soo jeeda maamullada Somaliland diiddan ee Hargeysa joogaa waa maxay?

    3. Koonfurta Soomaaliyana munaafaqad taas le'eg ama ka weyb ayaa taalla, waxaana tooshka ku ifiyay Yusuf Garaad:
    Kismaayo waxaa ku shirsan Reer Koonfureed, magaca shirka ha la saxo.

    4. Ma joognoo xilligii dalku ku jiray xukun caskari, ee ay jirtay hal xaqiiq kaliya: hal idaacad, hal tv, hal radio, hal xizbi.

    5. Dadweynaha Soomaalida, koonfur iyo waqooyina midna indhaha saliid looma marin karo. Dadkii wuu bislaaday, duniduna tii hore ma aha.

    6. Ha la aqbalo in loo soo gudbo xaqiiqada casrigan. In wax kasta loogu yeedho magaciisa dhabta ah.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yuusuf tooshka uu ku ifiyay "Shimbirayahow Heesta" kismaayo Tigreeku ku hor fadhiyo ma inuu yiraahdaa:

      "Jamhuuriyadda aan Jaarka nahay"

      Yuusuf maanta awoodiisu waa tan qoraal. Qoraalkiisana meeshuu marinayo arag. Shalay markay Kalshaale dadka lagu xasuuqayayna waan la soconaa siduu u tebiyay.

      U fiirso hadalka yaan laguu duur xuline!

      Delete
  24. Iftiimin wanaagsan weeye jaalle Yusuf, balse waa adiga Somaliland U doodayee, Reer Hiiraan iyo Sh. DHexe yaa u matalaya Kismaayo? bal taaas ma isweydiisay? Tan kale hadii la heli karayo qof talada Reer Wuqooyi ka go'do oo diyaar u ah kasoo qeybgalka waa la casuumi lahaaa si uu aayaha dadkiisa uga sheego? Yaa u diiday Madaxweyne Siilaanyo in uu wakiil u soo dirsado Kismaayo oo marka shirka la furo ay sheegaan in Somalialand ay ka madaxbannaantahay Soomaaliyada kale? Balse ma laga yaabaa in lagu casuumay Xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid balse iyaga ka madax adeygeen in ay yimaadeen?
    Mahadsanid

    ReplyDelete
    Replies
    1. Ma somaliland buu u dooday mise, wuxu meel uga dhacay Qaranimada iyo jiritaanka jamhuriyadda Somaliland

      Ta Labaad silanyo muxuu wakiil ugusoo diraya kismayo ee kaga xidhan ama ka galay ??

      Delete
  25. Yusuf adiga iyo Cali Khaliifba si wacan ba u fahamsan tihiin in Cadaalad daro baahsan oo 1960 lagula kacay Waqooyi in maanta ka sii liidato , oo wadiga durba la yaabay Shirka Kismaayo; Mid laakin wax ka qaban karto uma eeka hadda si walba u hadasho waayo Reer Koonfurka umaba jeedaan mana rabaan inay fahmaan arimahan.

    ReplyDelete
  26. This comment has been removed by a blog administrator.

    ReplyDelete
  27. Koonfur baa sharcigii jabineysa iyadaa qarankii aasaysa.bal ufiirso maamulo aan sharci aheyn baa la sharciyeeyey inta Kismaayo isugu taktayna waa yar tahay inta daacada ka ah Soomaaliya in ay guuleysato. Hadii Galmudug Kismaayo laga qayb galiyey maxaa diidaya in Khaatumo looga yeero?

    ReplyDelete
  28. Koonfur baa sharcigii jabineysa iyadaa qarankii aasaysa.bal ufiirso maamulo aan sharci aheyn baa la sharciyeeyey inta Kismaayo isugu taktayna waa yar tahay inta daacada ka ah Soomaaliya in ay guuleysato. Hadii Galmudug Kismaayo laga qayb galiyey maxaa diidaya in Khaatumo looga yeero?

    ReplyDelete
  29. Somaliland waa Qaran jira oo tashaday 1991. Markaa halagu ixtiraamno shacabka somaliland goaanka ay qaateen ,

    ReplyDelete
    Replies
    1. Fadlan dheh Reer baa tashaday. Wax "Soomaaliland" la yiraahdo aduunka lagama yaqaan. Reerku muu qorshaha bedelo haddii wax u socon waayeen?

      Delete
  30. Yusuf garaad,ilaahow talada noogu dhiib garashadu wa sida dhabta ah ee xaqiiqsu waa saas

    ReplyDelete
  31. salaan dhamaan, marka hore qof walba oo hadal soo qorayaa waa isaga iyo codkiisa cid matasha kana tajumi karta qolo ama qabiil ama maamul ma jirto, xittaa siyaasiyiinta matalin meelaha ay sheeganaayaan. Yusuf wuxuu tooshka ku ifiyay in sida siyaasadda soomaaliya konfurta looga maareynaayo in ay keni karto kala go'a , waana run, lakin su'aasha waxay tahay siyaasadda dalka yaa maareeya. siyaasadda dalka innaga ma maareyno, siyaasiga meel kastu jooga waa loo meeriyaa, xittaa ku dhawaaqida kala go'a ma aheyn go'aan ka yimid dadka reer waqooyiga, dowlada ajnabi ayaa meerisay, sidaa darteed dadka ama siyaasiyiinta soomaalida wax gacanta ugu jira ma laha, kan goosashada sheeganaayo iyo kan midnimadda sheeganaayo waxa ay talo goyn karaan ma aha waa bulshadda caalamka sidee dooneyso,maanta hadey tiraah bulshadda caalamka ha la midoowo waa la midoobayaa. mahadsnidiin

    ReplyDelete
  32. ""Jamhuuriyada aan dariska nahay". Yuusuf adigaanba kaa shakiyey!

    ReplyDelete
    Replies
    1. Shakiga maxaa keenay waabad aragtaaye. Ma micnahaadan fahmin?

      Delete
  33. Somaliland ku daysay Yusuf Garadow, adiga iyo caalamkuba wuu ogyahay in Somaliland leedahay xukuumad shacabku doortay oo matesha.

    Anigu 1977 ayaan dhashay wax Somalia la yidhaa ma arag waayo 1988 markii Ciidankii Qaranka Somalia Hargiesa, Burco, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo iyo Oodwayne ay duqaynaysay waxa aan ahaa 10 Jir. Maantana waxa aan ahay 38 Jir.

    Aan kuugu daree, xafiiskii iigu horeeyay ee dawladda Somalia leedahay Waxa aan galay sanadkii 2001, oo ahayd Safaaradda Somalia ee ku taal Dubai,aniga oo nin aanu saxiib nahay la socda.

    Somaliland ayaan ku koray oo aan ka qayb qaatay dhismaheedii aniga oo arday ah.

    Markaa bal cida aniga iyo millions ila mida sidee naloogu qancin karaa in aanu aadyar gacanta ka galino Somalia dawladda aanu gacmahayagga ku dhisnay.

    Dhagtaa feedku muu gali? Jawaabtu waa maya.

    Danta Somaliland iyo Somalia waxa ay ku jirtaa in aynu iswaydaarsano ictiraaf, oo aynu wada dhisano dhaqaale iyo ciidan isku mid ah, sida NATO & GCC.

    Hadii kale Somalia na sidaa ha isku haysato, Somaliland na waanu iska gurguuran meel aanu gaadhnaba.

    Runtu waxa ay tahay in Somaliland go'day, shacabkeeduna sidaa go'saansaday.

    May Allah, the almighty, help is all.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Hadaad adigu ku kortay oo lagugu canqariyay in reerku dowlad gaar ah leeyahay, waa hawl idinka idiin taala.
      Muranku maaha in reerkiinu Soomaali ka tago. Haddii aad leedihiin Khaatumo, Maakhir & Awdal khasab hanagu soo raaceen dee taas adiga ka gar daran.

      Gacantoo dhani miyaay dhegta gashaa? Dee maya. Dee anaguna diidnay ee bal xal keen.

      Delete
  34. Somaliland ku daysay Yusuf Garadow, adiga iyo caalamkuba wuu ogyahay in Somaliland leedahay xukuumad shacabku doortay oo matesha.

    Anigu 1977 ayaan dhashay wax Somalia la yidhaa ma arag waayo 1988 markii Ciidankii Qaranka Somalia Hargiesa, Burco, Berbera, Gabiley, Ceerigaabo iyo Oodwayne ay duqaynaysay waxa aan ahaa 10 Jir. Maantana waxa aan ahay 38 Jir.

    Aan kuugu daree, xafiiskii iigu horeeyay ee dawladda Somalia leedahay Waxa aan galay sanadkii 2001, oo ahayd Safaaradda Somalia ee ku taal Dubai,aniga oo nin aanu saxiib nahay la socda.

    Somaliland ayaan ku koray oo aan ka qayb qaatay dhismaheedii aniga oo arday ah.

    Markaa bal cida aniga iyo millions ila mida sidee naloogu qancin karaa in aanu aadyar gacanta ka galino Somalia dawladda aanu gacmahayagga ku dhisnay.

    Dhagtaa feedku muu gali? Jawaabtu waa maya.

    Danta Somaliland iyo Somalia waxa ay ku jirtaa in aynu iswaydaarsano ictiraaf, oo aynu wada dhisano dhaqaale iyo ciidan isku mid ah, sida NATO & GCC.

    Hadii kale Somalia na sidaa ha isku haysato, Somaliland na waanu iska gurguuran meel aanu gaadhnaba.

    Runtu waxa ay tahay in Somaliland go'day, shacabkeeduna sidaa go'saansaday.

    May Allah, the almighty, help is all.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdulrahman, dooddaadu waa dood cilmiyaysan, oo ku dhisnayn caaddifad ama ee ku dhisan waaqaca.

      Ma u makaynaysaa, in waddamada qaar ay raalli ka noqon doonaan inay soomaalidu kala nabad gasho, maamulkana kala weecsato, ciidan iyo dhaqaale midaysanna yeelato?

      Delete
  35. Ninba wax isleh ,laakiin aniga waxay iigu muuqataa in masiir umada uu gacanta ugalay shan nin oo iyagu doonayaa xil iyo mid waliba inuu hashii maandeeq ahayd wax ka maroor sado oo weliba uu ugu badsado wixii nacfiya, laakiin anigu xal ahaan waxaan qabaa in barlamaanka oo udhow in meelwalba cid laga keenay lasoo hor dhigo fikarada lagala qabo dabadeedna ucodeeyaan haday rabaan lacag haku qaateene laakiin hadana wax xun oo iyagaba aan dan u ahayn oo masiirkii umada god ku ridaya inaysan katalinayn ayaan umalaynayaa , adiguna yusuf garaad faalo qurux badan oo dan kahadala ayay ahayd waad ku mahadsantahay bidhaamintaada wanaagsan , long live my people of somaliweyn where ever you are

    ReplyDelete
  36. Jamhuuriyadda aan Jaarka nahay?

    Waxaan filayaa maanta Yuusuf isagoo qolo u socda buu wax runta u yara eg soo sheegay. Laakiin xitaa runtiisa beerkiisaa ka xoog badan oo wuxuu uurka ku hayay baa qalinku ka boobay.

    Bal Yuusufow Jamhuuriyadda aan Jaarka nahay dhulkeedu xaguu ka bilaabmaa? yay matashaa? Bal nin suxufi oo siyaasi isu badalay baad tahaye naga jaahil bixi.

    Qolyahan Kismaayo labada xabashi ku hor fahdiyaan dadna wax u tari maayaan dalna hadalkiisaba daa.

    Ninka ugu awooda badan Kismaayo maantadan shirku ka socdo waa wasiirka Ithiopiya. Inta magaca Soomaali wadata ee hoos fadhidaana midba kan kale ayuu uga dhuumanayaa. Markaa qolyahaan maqaar saarka ah ee meesha fadh-fadhiyaa xal ama awood ay Soomaali ugu taliyaan gacanta uguma jirto.

    Khaatumo, Maakhir & Awdal State iyagaa asal u noqonaya inay Soomaali isu timaado. Inta maanta talada is leh gacantaad ku haysaan waxa keliya ee ay hayaan waa inay jeebka buuxsadaan liidnimadda iyo magac Soomaali xumayntana ay u kala tartamaan.

    ReplyDelete
  37. Yuusufoow Ilaa aad Runta ku Rafato oo aad Indhaha Rayulcaamka u sheegtid, Xaqiiqda aad huurinaysay Rubuc qarni ee aad Raadkeeda qarinaysay, Wuxuu yidhi Fanankii " Taladaan la Ruugin waa lagu rafaadaa" Ilaa wixii 1960 Khaldamay la saxo oo Heshiiskaa dib loo raacdeeyo Ha filan in Reer SOMALILAND raacaan ama wax ka sugaan Shirka Kismaayo uga Socda Bahda Koonfureed.

    ReplyDelete
  38. Yuusufoow Ilaa aad Runta ku Rafato oo aad Indhaha Rayulcaamka u sheegtid, Xaqiiqda aad huurinaysay Rubuc qarni ee aad Raadkeeda qarinaysay, Wuxuu yidhi Fanankii " Taladaan la Ruugin waa lagu rafaadaa" Ilaa wixii 1960 Khaldamay la saxo oo Heshiiskaa dib loo raacdeeyo Ha filan in Reer SOMALILAND raacaan ama wax ka sugaan Shirka Kismaayo uga Socda Bahda Koonfureed.

    ReplyDelete
  39. Somalida koonfur oo nabad hesha iyo Somaliland oo nabadda hadda ay haysato ilaahay u sii siyaadiyo ayaa ah waxa ugu wayn ee aynu u baahanahay, ka dib la wada hadlo si walaal tinimo ku jirto lagu kala tago iyadoo meesha aanay ka maqnayn inaynu isku diin, dadnimo iyo isir isku mid ah ka soo wada jeedno. isku diin baynu nahayoo 100% muslim sunni ah ayaynu nahay, isku dad baynu nahayoo dhibka soo gaadha qof somaaliyeed waa dhib aniga isoo gaadhay, isku isir baynu nahayoo soomaali baynu nahay.
    Runtu waxay tahay ninka Ethopian ka ah iyo ka Kenyan ka ah iyo ka Ugandhiis ka waynu iskaga dhawnahay anigu caqliyada odhanaysa Ethoppian baanu walaalo nahay ma aamin sani waana fikrad nin siyaasi ah oo kursi u cararaya ama nin dan yaroo shakhsi ah wataa uu ku af gobaad sado wax ma garatada.
    An soo koobe danta somaliland waxay ku jirtaa somalia oo nabad ah, ta somalia iyana waxay ku jirtaa somaliland oo xasiloon.

    Mohamed Farah Dahir
    Hargeisa, Somaliland.

    ReplyDelete
  40. Yusufaw ma waxaad rabta dadka reer somaliland in xasarad dhexdooda laga abuuro,waad ogtey in somaliland ay leedahey dawlad dadkeedu kuso doorteen one man one vote,,miyaaney aheyn in somaliland lo daayo arinkeeda dawlada dadku doortey,madama o ay iyadu dhulka badankisa gacanta ku heyso marka laga reebo dagmada bohoodle.

    ReplyDelete
  41. Waar adeer meel dhow baad ka fikiraysaane,,,,Somaliland, Khatumoland. iyo waxaad meesha keenteenba ma jiraane waxaad ka warantaan arinta dadka somalida ahi halka uu ku danbayn doono iyo Godka loo qoday Umada somaliyeed sida ay uga soo bixi donaan.... Cajib walahi Somali iyaga ayaa walaalo ah iyaga ayaa ilmader ah iyaga ayaa Isku Diin ah iyaga ayaa isku midab ah, iyaga ayaa wax walba isku ah.............. ee sxbow mustaqbalka fog ee somaliyeed ka hadla

    ReplyDelete
  42. hashu maankeyga gadaye ma masaar ayay liqday,,waa halheys soomaaliyeed,oo caaqil siyaad dhariya-dhoob lagu soo halqabsado,,waxaa taas ka dhigan,yuusuf garaad wuxuu aad noogu muujiyey,qoraalkiisa muhiimada ay leedahay,war hadii la fashilmay,yaanay nagu dhicin in dadka lakala fadli yeelo,e halaga wada qaybgeliyo ummada oo dhan,aaya ka talinta,shirka ,kismaayo, dulucdu waa sidaa waxaase ayaan daro noqotay,,in badan oo aqristayaasha ka mida oo aad moodeysid in aanayba fahamsaneyn,,waxa laga hadlayo,,hadii qoraagu tusaale u soo qaato qof,ama deegaan ,shey IWM,taas micnaheedu maahan in aad meel isaga dhegtid,ee waa in biyo dhaca qormada aanad ka harin,,marka waa nasiib daro, adigoo lagaa sugayo in aad fahamtay,,dulucda,,hadii ay kaaga dhegto,weedh,ama tuduc,uu qoraagu tusaale u soo qaatay,,waa nasiib daro in xitaa aniga qudheyda meeshii aan ra,yigayga cabiri lahaa in aan ku qaato waqtigeygii,in aan wax naqdiyo

    ReplyDelete