Total Pageviews

Tuesday 26 January 2016

Gobdon, Allah ha u Naxariisto

1971 qalabkaan ayaa wax lagu qori jiray. 
Waa xafiiskii aan ku lahaa Madaxtooyada Soomaaliya.
Cabdi Xaaji Gobdon oo xalay ku geeriyooday Muqdisho, Allaha u naxariistee wuxuu ahaa Macallin sannadihii kontomaadkii inta aanuu ku biirin Radio Muqdisho billowgii lixdanaadkii.

Cabdi Xaaji Gobdon wuxuu ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta markii aan anigu ku biiray Radio Muqdisho horraantii siddeetanaadkii. Waxaan ka dib ka warhelay in uu dabayaaqadii kontonaadkii Macallin ka noqday Dugsiga Leegada, ka dibna Golweyn, inta aanuu horraantii lixdamaadkii ku biirin Radio Muqdisho. Horraantii lixdanaadkii iyo mar kale dabayaaqadii lixdaamaadkii wuxuu ka shaqeeyay Laanta Af Soomaaliga ee Radio Moscow.

Waxaan xusuustaa yaraanteydii aflaam Ruushku dhigi jiray oo af Soomaali ku codeysnaa in qaarkood codka ku duubani uu ahaa kan Cabdi Xaaji Gobdon.

Waan ogaa inta aanuu noqon Agaasime Guud in uu ahaa weriyaha Gaarka ah ee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Warfaafinta ka dib waxaa uu noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Sportiga.

Cabdi Xaaji Gobdon, Allah ha u naxariistee, wuxuu ahaa weriye cod hallaasi ah leh, aadna u af Soomaali wanaagsan. Markii aan ahaa arday soo koraya isaga iyo Yaasin Xaaji Ismaaciil Jirde waxay ka mid ahaayeen weriyayaal aan ka kororsado eryada af Soomaaliga ah gaar ahaan kuwa siyaasadda, dhaqaalaha iyo militeriga.

Gobdon shakhsiyaddiisa waxaan bartay ka dib markii ay burburtay Dowladdii Soomaaliya. Waxaan u arkay in uu yahay nin Dowlad ku nool ah, dadkana aan iskala weyneyn siiba dhallinyarada.

Waxaa kale oo aan u arkay nin ku kalsoon mihnaddiisa, xoog furan, jecel in aqoonta laga dhaxlo oo uu u gudbiyo jiilka isaga ka da’da yar. Isaguna ma ahayn nin ay da’du ka hor istaagto aqoon kororsiga siiba xagga la qabsiga teknoolojiga cusub. Wuxuu adeegsan jiray talefoonka caaqilka ah iyo iPad wuxuuna qoraal iyo sawirro ku soo bandhigi jiray saxaafadda bulshada.

Gobdon wuxuu ka mid ahaa mas'uuliyiintii badbaadiyay keydka cajaladaha ee Radio Muqdisho sannadihii faraha badnaa ee laba ama ka badan kooxood ama dowladood ay ka dagaallamayeen Muqdisho.

Cabdi Xaaji Gobdoon wuxuu qoray buug ku saabsan aabbihiis iyo culummo kale oo Soomaaliyeed.

Wuxuu la soo shaqeeyay Dowlad kasta oo dalka ka curatay xataa xilliga burburka marna wuxuu ahaa la Taliye ama Af hayeen Madaxweyne, Ra’iisal Wasaare ama Wasaaradda Warfaafinta.

2002 waxaan Djibouti uga wadaqeybgalnay 3 usbuuc oo la isu keenay qorayaal, weriyayaal, abwaanno iyo xeel dheerayaal cilmi afeedka yaqaan. Waxaan dadkaas ka mid ahaa Hadraawi, Gaarriye, Aw Jaamac Cumar Ciise, Cabdiqeys, Yamyam, Idaajaa, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Riiraash, Cabdi Xaaji Gobdoon, Axmed Cali Askar, Axmed Xasan Cawke, Siciid Faarax Yare, Cali Seenyo iyo aqoonyahanno badan oo reer Djibouti ah. Waxaan halkaa ka soo saarnay qaamuus ay ku kooban yihiin eraybixinta ay warbaahintu u baahan tahay si ay wararka ugu adeegsato. Qaar badan oo mid ah khubaradaasi wey dhinteen ee Allah ha u naxariisto.

Howlihii ugu dambeeyay ee aan Gobdon ka wadashaqeynay waxaa ka mid ahaa xeerka saxaafadda oo aan talo bixin ku lahayn. Iyo qaban qaabada xuska maalinta Afka Soomaaliga 2015 iyo talo ka bixinta howlaha ay tahay in la qabto si afka loo horumariyo iyo cidda ay tahay in ay qabato. Howshaas waxaan galnay ka dib markii ay Madaxtooyadu na weydiisatay in koox kale oo aqoonyahanno ah aan kala shaqeyno.

Cabdi wuxuu ugu weynaa dhowr walaalo ah oo Jaamiciyiin u badan oo ka shaqeeya Warfaafinta Qaranka, Radio iyo TV. Aabbahoodna sidoo kale wuxuu ka tirsanaa idaacadda oo uu wacdi diini ah ka jeedin jiray. Sidaa darteed wuxuu ka soo jeedaa qoys diineed, isaguna waxaa uu ahaa nin aan ku tilmaami karo Suufi ku dhow Ahlu Sunna wal Jameeca.

Saaka aroortii markii geeridiisa la ii sheegay, waxaan goostay in aan soo bandhigo sawirro dhowr ah oo aan ka soo guuriyay bartiisa Facebook, oo aan is leeyahay waxay ra’yi ka bixin karaan taariikhdiisa.

Sawirrada waxaa la socda fasiraadda uu qaarkood Gobdon ka bixiyay oo sidii uu isagu u qoray ah oo aan soo minguuriyay marka laga reebo saxitaan ama habayn aad u yar oo aan ku sameeyay. Fasiraadda farta waaweyn ee tan le'eg waxaa qoray Cabdi Xaaji Gobdon. Fasiraadda farta yaryar ee sawirka ku hoos taallana aniga ayaa qoray.

Cabdi Xaaji Gobdon marka taariikhdiisa laga hadlo, waxaa laga dheehan karaa taariikhda warbaahinta Soomaaliya iyo heerarka ay soo martay iyo weliba heerarka uu soo maray Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.










Waa xaafiis aan ku lahaa Madaxtooyadda Soomaaliya, waana waqtigii aan ahaa waryihii gaarka ah ee Madaxweeyne Maxamed Siyad Barre. Taariikhdu waa 1974.










Waa Madaxweyne Maxamed Siyad Barre iyo Gudoomiyihii Ururka Dhalinyarada aduunka ee nabada jecel iyo aniga oo wakhtigaas ahaa waryaha gaarka ah ee Jaalle Siyaad Barre. Taariikhdu waa 1975.










Waqtigaan waxaan wareeysi ka qaadaayay Madaxweyne Maxamed Siyad Barre oo uu wehliyo xoghayihii guud ee Midoowga Afrika. Sawirkaan waxa uu ahaa 1976 goobtuna waa Addis Ababa.

















Sawirkaan waa shirkii Madaxweeynayaasha Dowladaha Islaamka ee lagu qabtay Xaramka. Taariikhdu waa 1978.









Waa xarunta VOA ee dalka USA. Waqtigaan waxaan ka codsanaayay madaxda VOA in la sameeyo Laanta Af Soomaaliga ee VOA, aniga oo xiligaas ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta. Taariikhdu waa1983.










Waa WAR-SIDE (Journal) ka soo bixi jiray magaalda QUBRUS magaciisana la yiraahdo 
(الا ثنين ) ama AL ITHNENYN waxuuna iga wareysanayay asaaskii TVgii qaranka ee hawada galay 1983.










Waxaan Mar dhaw bulshada Soomaliyeed u soo gudbin doonaa Buug aan ka qoray Aabbaheey Xaaji Maxamed Gobdon iyo qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee Aabbe ay saaxibbada dhaw ahaayeen sida: Sh. Macallin Nuur, Sh. Mukhtaar Sh. Maxamed Cali Maye, Sh. Maxamed Cali Maye, Shiikh Cali Cusmaan Naalleeye iyo Culimo kale oo bulshada Soomaaliyeed ku weyn. Bugga waxaa lagu magacaabaa Agoonkii Cabsida Alle Dugsaday. Qormadiisii Labaad (Second Edition).











Waxaa sharaf inoo ah in aan Magaalada Muqdisho ku soo dhaweyno Madaxweynaha Dalka JABUUTI Walaalkeen Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Hiildoonka Afka Hooyo iyo Xasilloonida Dalkeenna.


Gobdon waa kan bidix safka hore




Gobdon waxaa lagu tirayaa in uu aad ugu dhowaa Madaxweynaha.











Gobdon oo adeegsanaya iPad.






Gobdon oo cayaaraya Kubbadda Miiska
















Lugabaxsi iyo neecowsi xeebta Liido

45 comments:

  1. Fadlan ducada, waxa aad ka taqaan Cabdi Xaaji Gobdon AUN iyo faallada qormada midkii ay kula noqoto isla boggaan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. ilahey ha naxariisto cabdi xaaji eheladi & qarabdi uu ka tagayna samir & iiman ilahey ha ka siiyo

      Delete
    2. Asc innaa lillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun,geerida ku timid walaakeey in xaaji Gobdoon marna aan uhay abti carruurtiisa ilyaas iyo daaha,halkan anoo ku hadlaya magaca reer aadan samatar uga tacsiyeeynayaa dhammaan reer Gobdoon,iyo suxufiyiinta soomaaliya iyo umadda soomaaliyeed ilaaheey samir iyo iimaan inuu NAGA siiyo asguna jannatul fardowsa wabillahi towfiiq.

      Delete
    3. Asc innaa lillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun,geerida ku timid walaakeey in xaaji Gobdoon marna aan uhay abti carruurtiisa ilyaas iyo daaha,halkan anoo ku hadlaya magaca reer aadan samatar uga tacsiyeeynayaa dhammaan reer Gobdoon,iyo suxufiyiinta soomaaliya iyo umadda soomaaliyeed ilaaheey samir iyo iimaan inuu NAGA siiyo asguna jannatul fardowsa wabillahi towfiiq.

      Delete
  2. ALLAHA u naxariisto Cabdi Xaaji Goobdoon , nin la jecel yahay ayuu ahaa runtii .

    ReplyDelete
  3. ILAAH naxariistii jana hasiiyo xirfadiisa shaqo kasokow waxaan xasuustaa isaga oo marmar masjidka weyn ee xaafafa Hiliwaa khudbada jimcaha kadib wacdi kajeediya.
    ILAAH ha u naxartiisto

    ReplyDelete
  4. Alle Ha u naxariisto anigu wax badan kama aqoon Gobdoon.

    ReplyDelete
  5. Waa kayd qaali ah oo naga baxay. RABBI ha u naxariisto Goobadoon, kuwa isaga oo kale ahna ALLAH ha noo dhaafo.

    ReplyDelete
  6. Ebe kitaabkiisa midigta hakasiiyo Janatul Firdosana haku abaal mariyo, Shaqo wanagsan ayu umada Somaliyed usoo Qabtay. YUSUF Adigana wad ku Mahadsantahay Walaal Qaabka Qurxoon ee aad Taarikhada Marxuumka usoo Koobtay.
    'Inalilah WA INA ILAHI RAJICUN,

    ReplyDelete
  7. Ebe kitaabkiisa midigta hakasiiyo Janatul Firdosana haku abaal mariyo, Shaqo wanagsan ayu umada Somaliyed usoo Qabtay. YUSUF Adigana wad ku Mahadsantahay Walaal Qaabka Qurxoon ee aad Taarikhada Marxuumka usoo Koobtay.
    'Inalilah WA INA ILAHI RAJICUN,

    ReplyDelete
  8. Allaha naxariis janno ka waraabiyo issaga iyo inta geerudu haleeshayba.
    Garaadow markaan dhameeyay qormadan ad ku farayaraysatay waxaan is waydiiyay aqoonyahanka intaas oo xil dalka ka soo qabtay, Jalle Siyaadna sida uga garab dhawaa intaan ogahay adana ad sheegatay waxba kamuu qorin ama dhaxal galin ogaalkisii ku aadanaa tariikhda dalka oo uu u guundaloolay walibana uu ka garab dhawaa goobaha go'aanka lagu gadho, tasi marxuumka uun ma ehee waxa aan ku arkay badi wax garadka soomaalida adana kama madhnin Garaadow oo in badan ayad hagaysay idaacada umada soomaliyeed jihaynaysay tan iyo maalimkii la yagleelay, adi ayo ragii kaaga horeeyay toona dhaxal reeb idin kama ahayno.

    Aaad ayad ugu mahadsantahay macluumaadka aad nala wadaagatay.

    ReplyDelete
  9. Walaalkeen Cabdi Xaaji Maxamed Gobdon Allaah Naxariistii Jannatul Firdowsa ha ugu bishaareeyo, dembigiisana Allaha udhaafo, intii uu ka tegey oo ay ugu horreeyaan Carruurtiisa, xaaskiisa, reer Xaaji Maxamed Gobdon oo dhan, Asxaabtii iyo qaraabadii iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan Allaha haka siiyo, annagana Ilaah nama fitneeyo gadaashiis. Adiga Yusuf Garaad Cumar Axmed ahna si gaar ah ayaan kuugu mahad naqayaa kuuguna tacsiyeynayaa

    ReplyDelete
  10. Naxariistii janno Alle ha ka waraabiyo

    ReplyDelete
  11. Alah unaxariisto waxaa inagabaxay qof qiimo wayn ku lahaa umada Somaliyeed inaa li laahi wa inaa ilahi rajicuun

    ReplyDelete
  12. All hownaxariisto umada somaliyed na samir iyo iman haka siiyo

    ReplyDelete
  13. All hownaxariisto umada somaliyed na samir iyo iman haka siiyo

    ReplyDelete
  14. Ilaahay ha u naxariisto. Adiguna Yuusuf mahadsanid sida wanaagsan eed noogusoo gudbisay.

    ReplyDelete
  15. Allaha u naxariisto Cabdi Xaaji Goobdoon, Wuxuu ahaa Ruug-Caddaa Soomaaliyeed oo Wadani ah oo hayay Xog badan..

    ReplyDelete
  16. Wuxuu ahaa halyeey dalka xusi doonto taarikh dahabi ah ayuuna ka galay dalka somalia allaha u naxaristo

    ReplyDelete
  17. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  18. Allaha u naxariisto qabrigiisana Allaha u waasiciyo. Waxaan dhihi karaa waa taariikh naga baxay mar walbana saas ayaa loo weyn wof waaya arag ah oo umadu u baahantahay ayadoon wax raad ah laga reebin

    ReplyDelete
  19. Allaha u naxariisto qabrigiisana Allaha u waasiciyo. Waxaan dhihi karaa waa taariikh naga baxay mar walbana saas ayaa loo weyn qof waaya arag ah oo umadu u baahantahay ayadoon wax raad ah laga reebin

    ReplyDelete
  20. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  21. Allaha u naxariisto qabrigiisana Allaha u waasiciyo. Waxaan dhihi karaa waa taariikh naga baxay mar walbana saas ayaa loo weyn qof waaya arag ah oo umadu u baahantahay ayadoon wax raad ah laga reebin

    ReplyDelete
  22. aad baad u mahadsantahay Yuusuf Garaad sida wacan ee aad usoo gudbisay AHUN Gobdoon oo ahaa rug caddaa weyn oo dadka wax qora iyo warbaahintuba ay tebi doonaan, waxaan jeclaan lahaa in aad ii fasaxdo inaan Afcarabi u turjumo qormadaada anigoon xuquuqda qoraalkaaga hilmaami doonin.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdifatah, fasax ayaad u qabtaa, waadna ku mahadsan tahay.

      Delete
    2. adiga ayaa mudan, markaan turjumo halkan ayaan kusoo falcelin doonaa si aad u indha-indhayso adiga laftigaaga Afcarabiga waxbadan baa kugu duugane.

      Tixgelin,
      Abdifatah Awaare

      Delete
    3. Mahadsanis Yuusuf, Cabdifataax howl wanaagsan waaye hadii aad tarjuntid.



      Delete
    4. waanba dhameeyey walaal tujimaddii, Abdifatah Awaare, boggayga Facebook ayaad ka helaysaa, mahadsanid.

      Delete
  23. allah haw naxaristo aamin aamin ya rabi

    ReplyDelete
  24. allah ha geeyo janadda aamin

    ReplyDelete
  25. abdi ma aheen walaalkeey oo kaliya waxuu ahaa abahey oo kale waayo waxaan ka heley farxad abbo nimo allooow u naxariiso amiin
    osman haji gobdon

    ReplyDelete
    Replies
    1. Osman -Yare, adiga iyo reer Xaaji Gobdon oo dhan waan idiinkaga tacsiyeynayaa geerida cabdi Xaaji Gobdon. Samir Allah ha idinka siiyo. Isagana Ilaaheey naxariista Janno ha ugu bishaareeyo. Nin soo kifaaxay ayuu ahaa oo ay tahay in la xuso loona dabbaal dego waxqabadkiisii maraaxiil aad u kala duwan oo uu dalku maray intuu Cabdi shaqeynayay. Nin xilligii gumeysiga shaqo billaabay ilaa haddana shaqeynaya aad ayuu u yar yahay, intaasna Dowladda uun u shaqeynaya.

      Delete
  26. Abdi Haji Gobdon Alle ha unaxariisto waxan ahayn daris xaafada huriwaa marka aan gurigiisa tago waxaan ku arki jiray qol xafiiskeed aad uqalabaysan sidoo kale wuxuu ahaa nin aan isla waynayn aadna ujecel dowladnimada Alle ha unaxariisto walalkeen..

    YG Sxb waad ku mahadsantahay sida wanagsan eed uga faalootay.

    Hada dhaw ayey ahayd markuu ka sheekeynaayey geeridii cowke maantana isagaan ka sheekeynaynaa barina waa inaka ilaahoe khaatumada noo hagaaji

    ReplyDelete
  27. Allaha Unaxaristo Janatul Fardowza Allaha geeyo samir iyo imaana Allaha ka siiyo Ehelkiisa iyo Soomaaliweyn oo dhan Aamiin.
    Run ahaanti Adeer waxa uu kamid ahaay Rug cadayaasha diwaanka igu jiray inaan mar un la kulmo lakiin ma dhicin bahda warbahintana waxbadan oo qibrad ah waa la wadaagi jiray sida asxaab badan iga shekeeyeen Allaha Danbigiisi ha dhaafo una naxaristo Aamiin.
    Yusuf Garaad Waad mahadsantahay sida aad noola wadaagtay qormadaan.

    ReplyDelete
  28. ilaahay ha u naxariisto dhamantayna samir iyo maan hana ga siiyo

    ReplyDelete
  29. https://www.facebook.com/Zlatan.awaare/posts/1088531597845250?pnref=story

    Yusuf halkan riix si aad u aragto maqaalkaagii oo u turjuman Afcarabi, waa mahadsantahay.

    ReplyDelete
  30. Waxan ku aqiinay inu ahaa nin Saciima oo furfuran, in kasto uu ahaa nin aanu si qotodheer aanu isu aqoonin dhowr jeer oo aanu wada kulanay wada hadalnay wuxu aha shaqsi dadka uu siman yihiin, qof walba sidiisa ku qadariya oo furfuran oo la sheekeysta. Alloow kuu naxariiso. Amin.

    ReplyDelete
  31. Alaaha u naxariisto Cabdi Xaaji, aamiin yaa rabbi. Waxaan ku farxay in uu aabihiis ka qorey buug inkastoo aanan akhrin, waxaanse ka jeclaan lahaa in uu qoro mid ku saabsan taariikhdiisa iyo tan saxaafada soomaalida maadaama uu ka mid ahaa raga ugu waayo aragsan. Anigoo aanan marbana uga jeedin eedeyn marxuumka hadana waxaa wax laga xumaado ah in in dadka indhaha u ah ummadaan eysan intooda badan qorin buugaag ku saabsan wax qabadkooda ama taariikh ku saabsan bulshada soomaaliyeed oo ey u soo joogeen.

    Siyaasiyiinta, jaamiciyiinta aqoonta xaga diinta ama maadiga, odayaasha dhaqanka, rag iyo dumar inta bulshada hogaanka u ah ama magac iyo taariikh ku dhex leh. intooda badan wey la dhintaad taariikhdooda iyo waaya aragnimadooda.
    Bal fiiri madaxeyneyaashii dalka soomaray, C/llaahi Yuusuf ayaa buug qorey, intooda kale ma maqal wax ey ka qoreen taariikhdooda oo ey bulshada uga tageen. Waxaan soojeedin lahaa in mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo markan da'ah laga howlgalo in buug uu qoro si bulshada ugala harto waayo aragnimadiisa taariikhda siyaasada Soomaaliya ee wakhtigii tagay iyo tan maanta taagan. Buugaas oo laga yaabo in jiilalka danbe uu u noqdo jawaab iyo marqaati wixii Soomaaliya ka khaldamay iyo sababtoodii.

    ReplyDelete
  32. Mahadsanid yuusuf warbixinta aad naga siisay rug cadaagii saxaafadeed cabdi xaaji goobdoon ala ha u naxariisto asaga iyo inta aad qormada ku magac dhawday dhamaan wan dhiiri gelin lahaa haduu jiro qof kale oo xog ka haya marxuumka inuu nala wadaago maadaama uu yahay nin dalka wax badan kaso qabtay luguna xasuusto nooleynta afkeena hooyo hasa yeeshee yuusuf ama qofki kale ee aqoon igu dheer waxan codsana eraygaan AUN in la i baro soo gaabinta ah

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf Maxamed Xayd oo ah qoraa, horena Agaasime uga soo noqday Idaacadaha Muqdisho iyo Hargeysa iyo TV-ga Qaranka ayaa bartiisa Facebook si kooban uga hadlay Cabdi Xaaji Gobdoon. Xayd wuxuu yiri: Waxaan aad iyo aad aan uga naxay geerida lama filaanka ah ee MACALLIN Cabdi Xaaji Goobdoon. Cabdi wuxu ka mid ahaa ragga fara ku tiriska ah ee dejiyay nadaamka iyo asluubta ilaa maanta warfaafinta Soomaaliyeed ku shaqayso. Wuxu ahaa ragga mideeyay siiqada af-soomaaliga ee warfaafineed ka dib markii dalku xoroobay. Wuxu ahaa nin kaftan badan oo aan calool ku sid lahayn. Gaar ahaan aniga wadashaqayn gaar ah baan na dhex martay. Waxaan hubaa in la tebidoono. Inagana samir iyo iimaan isaga janno fardowsa Alle ha ugu deeqo. Amiin.

      Delete
  33. Yusuf, waa xasuus qaaliya qoraalkani. Eebbe ha u naxariiste, Cabdi Xaaji Goobdoon wuxuu ahaa nin garasho qaran leh. Waa hubaal in la tabi kaalin muhiim ahna u baneeyay.

    ReplyDelete
  34. Yusuf si wanaagsan baad uga warbixisay marxuunka AUN, abdi xaaji Goobdoon.waa taariikh ku qaaliya umada somaliyeed. Aad baad ugu mahadsan tahay.

    ReplyDelete
  35. Inaa Lilaahi wa inaa Ileyhu raajicuun .
    Yusuf aad ayaad u mahadsantahay taariikhda kooban oo ad uga sheekeeysay marxuum Abdi Xaaji Goobdoon.
    Wuxuu ahaa aabayaashi mediyada Soomaliyeed waana loo xiisi doonaa .
    Waxuu ahaa shaqsi qaali ku ah ummada Soomaaliyeed .Ilaahoow kuu naxariiso jannatul fardowsana ilaahey ha kuu sahlo.
    Mahadsanid Mudane Yusuf Graad.Saacid Celiye

    ReplyDelete
  36. AUN Aabe abdi haji gobdon oo ahaa aabe somalited wadani ah dareen wadaninimo ayaa igali jiray markam arko ilahay janda ha ugu bishaareyo

    ReplyDelete