Total Pageviews

Friday 8 July 2016

Aragti Aristotle

Doodda saxda ah ee ku dhisan xaqiiqadu ma ahan mid mar kasta ay dadku u riyaaqaan ama aqbalaan. Sababta oo ah dadka go’aankooda waxaa saameeya waxyaabo badan.

Aristotle oo dhashay 384 sano Nebi Ciise hortiis, dadka qaarna ay aamminsan yihiin in uu yahay Filasoof kii ugu weynaa ee adduunka soo maray ayaa isku howlay in uu fahmo sida dadka wax looga dhaadhiciyo. Aragtidiisa waxaan ku soo koobi lahaa erayadan:

Haddii aad aragto qof wax khaldan ku kacaya waa in aad isaga ku calool xumaato ee aadan u arag in uu falkan u sameynayo xumaan asaga ku jirta aawgeed.

Sidaa darteed xalku ma ahan in qofkaas xabsi la dhigo ama si kale loo ciqaabo ee wuxuu u baahan yahay in wax la baro oo la hanuuniyo si uu u tooso.

Adigu maxaad is leedahay? Ma jiraan dhinacyo uu dalkeennu u baahan yahay in aragtidaas lagu dabbakho?

No comments:

Post a Comment