Total Pageviews

Wednesday, 27 July 2016

Hillary, Haweenka iyo Hoggaanka

Hillary Clinton

Xisbiga Dimuqraaddiga ee dalka Mareykanku wuxuu sameeyay taariikh. Wuxuu xalay u doortay Hilary Clinton in ay noqoto murashaxa xisbiga ee doorashada Madaxweynaha Mareykanka ee 2016. Waa markii abid dalka Mareykanka ugu horreysay oo uu Xisbi Siyaasadeed oo weyni uu hoggaamiye haween ah u doorto Murashixiisa Madaxweynaha Mareykanka.

Xisbigu wuxuu hore u sameeyay taariikh markii hadda ka hor uu mrashax u doortay nin madow, waa Madaxweynaha hadda xilligiisu sii dhammaanayo Barack Obama.

Hilary Clinton, waxaa hadda sugaysa doorashada dhabta ah ee shacabka Mareykanka oo dhami uu cod ka dhiiban doono bisha November, markaas oo ay la tartami doonto murashaxa Xisbiga Jamhuuriga, Donald Trump.

Haddii Clinton la doorto waxay noqon doontaa taariikh oo waxay noqon markii ugu horreysay ee haween uu Madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka. 

Caalamka kuma cusba Haween Madaxweyne ama Ra’iisal Wasaare noqda, laakiin haddii Clinton la doorto waxay noqoneysaa markii ugu horreysay ee ciidanka adduunka ugu culus ay Taliyihiisa Guud noqoto qof haween ahi. Sidoo kalena ay Madax ka ahaato dalka dunida ugu dhaqaalaha badan.

Waxaa kale oo ay noqon doontaa markii ugu horreysay ee Madaxweyne hore uu Aqalka Cad dib ugu soo laabto isaga oo ah Sayga Koowaad.

Haweenka Adduunka

Markii doorashooyin ugu horreysay dunida, iskaba daa haween in loo oggolaado in la doorto, ee iyagaaba loo diiday in ay codkooda dhiibtaan oo ay musrashixiin niman wada ah ay kala doortaan.

Waddammada qaar ayaa billaabay in ay shuruudo ku xiraan haweenku in ay codkooda dhiiban karaan. Qaarkood waxay sharci ka dhigeen in haweenka aan la qabin oo keliyihi ay codeyn karaan. Qaar kale waxay shuruud ka dhigeen heerka aqoonta muwaaddinka haweenka ah. Taas oo si ay xaq ugu yeelato in ay codeyso lagu xiray shuruud heer aqooneed. Waddamada qaar waxay doorbideen in hooyada ilmo dhashay oo keliya loo oggolaado in ay cod yeelato.

Dalka Australia ayaa ugu horreeyay dal xor ah oo haweenka dalka oo dhan u oggolaada in ay codkooda dhiiban karaan sannadkii 1903. Australia waxay gobannimo ka qaadatay Ingiriiska sannadkii 1901.

Sannadkaa intii ka dambeysay waddammo badan oo adduunka ah ayaa haweenka u oggolaaday in ay codeyn karaan, qaar kalena waxayba u gudbeen in haweenku ay murashax noqon karaan.

Dalal badan oo adduunka ah ayay haween Madax ka noqdeen ama ay hadda ka yihiin. Waxay isugu jiraan Boqorado, Madaxweynayaal iyo Ra’iisal Wasaarayaal.

Dalal ah Asia, kuwa Afrikaan ah, qaar Yurub iyo Ameerikada Koofureed ah, Australia, New Zealand iyo Israel intaba haween ayaa madax ka noqday. Qaarkood waxay caan ku noqdeen wax qabadkooda ama amar adeygooda iyo dagaallo militeri oo soo maray oo ay ay ku guuleysteen.

Haweenka Dunida Muslimka

Dalalka Muslimka ee aan ahayn Carab ama Afrikaan waxaa ka soo baxay Hoggaamiyayaal haween ah oo noqday Madaxa Qaranka ama Madaxa Xukuumadda.

Indonesiya oo ah dalka ugu dad badan waddamada Islaamka ah waxaa Madaxweyne ka noqotay Megawati Sukarnoputri. Pakistan oo ah dalka labaad ee ugu Muslim badan waxaa Ra’iisal Wasaare laba jeer ka noqotay Benazir Bhutto. Khaleda Zia iyo Shiikh Xasiina ayaa middiiba ay laba jeer Ra’iisal Wasaare ka noqotay Bangladesh.  Turkey waxaa Ra’iisal Wasaare ka noqotay Tansu Çiller.

Madaxweynaha Mauritius, Ameenah Gurib
Inkasta oo dalkeeda Muslimiinta looga tiro badan yahay, Ameenah Gurib, oo iyadu Muslim ah waxay hadda Madaxweyne ka tahay waddanka Jaziiradda ah ee Mauritius.

Ameenah Gurib, siyaasadda ka sokow, waa Saynisyahan, waxay PhDr ka qaadatay UK, waxayna sameysaa cilmi baaris xagga Sayniska ah, gaar ahaan Kimisteriga iyo Bayoolojiga oo ay ka soo saartay qoraallo badan oo la daabacay.

Waxay si cilmi ah u baartaa daawa iyo nafaqo waxa ay leeyihiin dhirta dalkeeda ka baxda.

Haweenka Soomaaliya

Soomaaliya oo markii ay xornimada qaadatay dadkii shaqeynayay ay qaarkood weli shaqeeyaan, waxaa la dhihi karaa Dowladnimadu wey ku cusub tahay.

Siyaasiyaddii haween ugu horreeyay oo doorasho furan si buuxda isugu soo taagtay, wacdara ka dhigtay, welina laga sheekeeyo waxay ahayd Xaawa Cawaale Abtiddoon (Xaawa-Yareey), oo u tartantay kusri Baarlamaanka Jamhuriyadda Soomaaliya oo ahaa magaalada Ceel-Buur.

Faadumo Axmed Caalin (Cureeji) iyo Faadumo Cumar Xaashi ayaa ka mid ahaa haweenka Xilalka waaweyn ka hayay Xukuumadihii Kacaanka. Inta burburku dhacay Dowladihii dhismayna waxaa dhowr jeer Wasiir noqotay Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye.

Jagadii siyaasadeed ee ugu sarreysay oo haween ka qabto Dowlad Soomaaliyeed waxay ahayd 2012 markii ay Fowzia Yusuf Xaaji Aden noqotay Ra’iisal Wasaare ku xigeen muddo hal sano ah.

Inkasta oo ay haweenka iyo ragga Soomaaliya ay is tiro le’eg yihiin, dagaallada iyo tahriibka awgood lagaba yaabo in ay haweenku badan yihiin, haddana waxaa 2016 lagu heshiiyay in Baarlamaanka soo socda kuraastiisa ay 30% kaliya ku fariisan doonaan Xildhibaanno haween ah. Markii 2012 la soo dhisayay Baarlamaanka hadda jira, Salaaddiinta beelaha Soomaaliyeed qaarkood wey diideen in ay gabdho ku soo daraan Xildhibaannada beeshooda ka soo gelaya Baarlamaanka. Salaaddiinta gabdhaha boobay ama ugu yaraan oggolaaday in gabdhaha laga boobo kuraasta, ma jirin cid tallaabo ka qaadday ama ku diidday liiska ay soo gudbiyeen. Gabdhaha siyaasadda daneynayana codkooda oo mideysan xuquuqdooda kuma soo dhacsan.

Isla salaaddiintii gabdhaha hore u diiday, oo hadda 2016 fursad u helay in ay Gobolladooda ku soo xulaan Xildhibaannada, waxay u muuqataa in ay adkaan doonto in siduu yahay loo fuliyo heshiiskii la galay ee saamiga ay haweenku ku yeelanayaan Baarlamaanka Soomaaliya.