No 10 Downing Street, London 2012 |
David Cameron waxaa uu maanta Guddoominayaa shirkiisii ugu
dambeeyay ee Golaha Wasiirrada.
Waxaa uu sheegay in uu xilka ka degi doono Arbacada berri ah.
Waxaa uu ahaa Hoggaamiye kor u qaaday hadalheynta Soomaaliya ee
Dowladda Britain iyo weliba taakulada Soomaaliya marka loo eego Dowladihii tiisa ka horreeyay.
Inta uu David Cameron xilka hayay waxay UK ka
caawisay Soomaaliya dhinacyada aadminnimada,
amniga iyo diblomaasiyadda.
Cameron wuxuu qabanqaabiyay in markii ugu horreysay ay is hor
fariistaan Madax ka socda Soomaaliya iyo Somaliland, ka hor inta aan
wadahadalkaas loo wareejin dalka Turkiga oo ay weli ka socdaan.
Waxay Dowladdiisu aqoonsatay in Soomaaliya ay dib u furto Safaaraddeeda
London. Waraaqaha Aqoonsiga Danjirennimo ayay Boqoraddu ka Guddoontay Safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya matala
oo London fariista tan iyo billowgii 1991.
David Cameron wuxuu Safiir u soo magacaabay Muqdisho, wuxuuna xaqiijiyay in
Safaaradda UK ay si joogta ah uga howlgasho caasimadda Soomaaliya, halka ay Safaaradaha reer
Galbeedka ee qaabbilsan Soomaaliya ay Xafiisyadoodu yihiin magaalada Nairobi.
Waxaan rajeynayaa in Ra’iisal Wasaaraha Cusub ee xilka UK la wareegeysa berrito, Theresa May, ay
halkii ka sii wadi doonto Saaxiibtinnimada labada dal.
Wareysigii BBC ee aan 2011 ka qaaday David Cameron oo Soomaali loo tarjumay halkan ayaad ka dhegeysan kartaa.
Fadlan aragtidaada ila wadaag.
No comments:
Post a Comment