Total Pageviews

Friday 8 July 2016

Danjire Cadde oo Moscow u ambabaxaya

Bisix Gen. Muuse, Wasiir Cabdulqaadir, Danjire Cadde

Waxaan caawa ka qeyb galay Xaflad lagu sagootiyay looguna duceeyay Danjire Cabdullaahi Warsame oo dhowaan ka howlgelaya magaalada Moscow.


Danjire Cabdullaahi oo ay dad badani u yaqaannaan Cadde Duqow, waa Aqoonyahan muddo aad u dheer ahaa Macallin Iskuul, mid Jaamacdeed iyo weliba Hormuudka Kulliyadda Farsamada iyo Ganacsiga (Polytechnics).

Waxaa uu hore wax ugu soo bartay dalal uu Ruushku ka mid yahay.

Xafladda waxaa ka soo qeyb  galay Wasiirro, Xildhibaanno, Generaallo iyo Madax kale oo badan oo Dowladda ah, Shiyuukh, abwaanno, aqoonyahanno kale, haween iyo dhallinyaro.

Anoo la taagan Danjiraha iyo Generaalka Ciyaalka Xaafadda
Munaasabadda oo lagu qabtay Hotel Jazeera, waxaa dadkii ka hadlay ka mid ahaa Wasiirka Waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo U-qeybsanaha Arrimaha Militeriga ee Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, General Muuse Abtiyow, oo Danjiraha ay wax ku soo wada barteen Ruushka, ayna saaxiib ahaayeen dhowr iyo afartan sano. Khudbadii Muuse Abtiyow waxay noqotay mid taabatay shucuurta dad badan oo uu ka mid yahay Danjiruhu ilaa ay gaartay in labadooda midba mar uu hadalku ka go'o oo laga qaado mikrofoonka.


Waxaan soo xusuustay Aristotle oo saaxiibtinnamada saddex u kala qaaday.

Midda koowaad wuxuu ku tilmaamay tan xaaladda markaas taagan ku saabsan. Qof doonaya fan oo markaa uu kan kalena fankaas diyaarinayo. Markaas ayaa la wada qaadanayaa fanka intaas ayayna ku eg tahay.

Tan labaad, waa xiriir istaraatiijik ah. Waxaa uu mid waliba la joogga midka kale uu jecel yahay inta uu dank u haysto.

Midda saddexaad wuxuu ku tilmaamay Saaxiibka dhabta ah. Waa qof aan adiga ku ahayn laakiin aad aad u qaddariso una dhowrto oo aad la jeceshahay wax kasta oo aad naftaada la jeceshahay. Walaacoodu waa walaacaaga, farxaaddooduna waa farxaddaada. Marka aad wadajirtaan waxaa idiin kororta quwad, maskax ayaad isku biirisaan, talo wadaag ayaad tihiin, mid walibana wuxuu dhammaystiraa waxa midka kale ku liito.

Saaxiitinnimada dhabta ah wuxuu Aristotle ku micneeyay waxa ugu wanaagsan nolosha.

Waxaa ii soo baxday in General Muuse Abtoyow iyo Danjire Cadde Duqow ay yihiin saaxiibbo dhab ah.

Maamulka Hotel Jazeera iyo Xildhibaan Samiira ayaa wadajir u soo abaabulay Munaasabadda.

Dabaysha dhaxanta wadata ee dhacaysay ka sokow, xafladdu waxay ahayd mid sare. 

No comments:

Post a Comment