Total Pageviews

Monday 11 July 2016

Cameron iyo Erdoğan, laba Saaxiib oo Soomaaliya

David Cameron (bidix) iyo Recep Tayyip Erdoğan waa laba hoggaamiye oo siyaabo kala duwan wax u taray Soomaaliya.
Erdogan saddex booqasho oo rasmi ah ayuu ku yimid Soomaaliya wuxuuna ka hirgeliyay mashaariic fara badan oo bulshada toos u taabanaya. Waxaa ka mid ah dhismaha waddooyin nalalkooda wata, Isbitaallo iyo goobo waxbarasho. Wuxuu wabarasho sare u fidiyay dhallinyaro fara badan. Wuxuuna Soomaali badan ka kasbaday taageero iyo xushmad ay u hayaan isaga, dadka iyo Dowladda Turkiga.
Cameron wuxuu xilka la wareegay iyada oo Dowladdiisu aanay aad ugu soo jeedin Soomaaliya. Wuxuu qabtay laba shir oo waaweyn si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo Soomaaliya. Ka sokow kaalmada aadminnimo iyo midda amniga, UK waxay Dowladda Soomaaliya la garab istaagtay kaalmo dipbomaasiyadeed. Waxay markii ugu horreysay dhiirri geliyay oo ay Dowladdiisu billowday wadahadallo toos ah oo ay yeeshaan Soomaaliya iyo Somaliland. Safaaradda UK waxay noqotay midda keliya ee reer Galbeed ee si joogta ah u deggan gudaha Soomaaliya.
Isbarbardhig ma aha ee waa u qirid mid kasta waxa uu na taray.
Waxay hadda fadhiyaan shir-madaxeedka Gaashaanbuurta militeri ee NATO oo ay labaduba xubna ka yihiin.

No comments:

Post a Comment