Total Pageviews

Monday 11 July 2016

Taageeray Tuk Tuk

Tuk Tuk, Saddex lugooleey iyo Bajaaj midka aad doonto ugu yeer. Waa Taksi riqiis ah oo caasimado badan laga adeegsado. Mana ahan wax ceeb ama khatar wada.

Muqdisho waxaa laga adeegsan jiray kala-roorkii ka hor. Waxaa iigu dambeysay waddada isku xirta Ansalooti iyo Ceel Gaab oo aniga oo yar oo hooyadeey gacanta i hayso aan raaci jirnay. Waxaan u maleynayo ilaa siddetamaadkii in ay soo gaartay oo ay ka shaqeyneysay.

Dib waxaa Muqdisho ugu soo celiyay Duqii hore ee Magaalada, Maxamuud Axmed Tazan. Maalintii uu Guriga hooyooyinka ku soo bandhigay shanti Tuk Tuk ee u horreeyay waxaa raacay Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Madax la socotay, sida uu Tarzan ii sheegay.

Bajaaj ama Tuk Tuk waxay hadda sahashay isu socodka magaalada Muqdisho siiba dadka danyarta ah. Waxayna magaalada ku soo celisay dareen caadinnimo oo ah in aad arkeyso in magaaladu ay kala socoto.

Waxaa kale oo ay shaqo u abuurtay kuwa soo dejiya, kuwa iibsada, darawaliinta ugu shaqeysa, wiilasha dhaqa, garaashyada lagu dayactiro iyo qaar kale oo badan.

Waa gadiid u saaxiib ah degaanka oo aan gubin shidaal badan oo markaa aan uumi sun ah hawada ku sii deyn.

Sawirku waa New Delhi, caasimadda dalka India oo ka mid ah dalalka dunida ugu dhaqaalaha badan. Waa maalin ay wadayaasha Tuk Tuk ay shaqa-ka-fariisi sameeyeen.

Isma diidayaan horumarka iyo TukTuk. Ismana diidayaan bajaaj iyo bilicda caasimaddu.

Muwaaddinka ay taagtiisu tahay Tuk Tuk weliba kiro ah iyo midka kolonyo baabuur dhagax ah oo aan xabbaddu karin lagu gelbinayo, kan baaskiilka fuushan iyo midka lugeynaya intuba waa isku xuquuq waddadana wey u siman yihiin.

Dhammaanteen aan is-xaqdhowrnaa.

Waa ii muhiim waxa aad ka qabto mowduucan. Fadlan ila wadaag aragtidaada.

No comments:

Post a Comment