Bisix Gen. Muuse, Wasiir Cabdulqaadir, Danjire Cadde |
Waxaan caawa ka qeyb galay Xaflad lagu sagootiyay looguna duceeyay Danjire Cabdullaahi Warsame oo dhowaan ka howlgelaya magaalada Moscow.
Danjire Cabdullaahi oo ay dad badani u yaqaannaan Cadde Duqow, waa Aqoonyahan muddo aad u dheer ahaa Macallin Iskuul, mid Jaamacdeed iyo weliba Hormuudka Kulliyadda Farsamada iyo Ganacsiga (Polytechnics).
Waxaa uu hore wax ugu soo bartay dalal uu Ruushku ka mid yahay.
Xafladda waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro, Xildhibaanno, Generaallo iyo Madax kale oo badan oo Dowladda ah, Shiyuukh, abwaanno, aqoonyahanno kale, haween iyo dhallinyaro.
Anoo la taagan Danjiraha iyo Generaalka Ciyaalka Xaafadda |
Waxaan xusuustay Aristotle oo
saaxiibtinnamada saddex u kala qaaday.
Midda koowaad wuxuu ku tilmaamay tan
xaaladda markaas taagan ku saabsan. Qof doonaya fan oo markaa uu kan kalena
fankaas diyaarinayo. Markaas ayaa la wada qaadanayaa fanka intaas ayayna ku eg
tahay.
Tan labaad, waa xiriir istaraatiijik ah.
Waxaa ay jirtaa oo mida waliba la joogga midka kale uu jecel yahay inta uu dan ku haysto ama ka rajeynayo.
Midda saddexaad wuxuu ku tilmaamay
Saaxiibka dhabta ah. Waa qof aan adiga ku ahayn laakiin aad adigu aad u qaddariso una
dhowrto oo aad la jeceshahay wax kasta oo aad naftaada la jeceshahay.
Walaaciisu waa walaacaaga, farxaaddiisuna waa farxaddaada. Marka aad
wadajirtaan waxaa idiin kororta quwad, maskax ayaad isku biirisaan, talo wadaag
ayaad tihiin, mid walibana wuxuu dhammaystiraa waxa midka kale ku liito.
Saaxiitinnimada dhabta ah wuxuu Aristotle
ku micneeyay waxa ugu wanaagsan nolosha.
Waxaa ii soo baxday in Dajiraha iyo Generaalku ay yihiin saaxiibbo dhab ah. Haddana ay soo wajahday Ibnu Aadam is waayay Ammuuraa kala geysay.
Waxaa ii soo baxday in Dajiraha iyo Generaalku ay yihiin saaxiibbo dhab ah. Haddana ay soo wajahday Ibnu Aadam is waayay Ammuuraa kala geysay.
Maamulka Hotel Jazeera iyo Xildhibaan Samiira ayaa wadajir u soo abaabulay Munaasabadda.
Dabaysha dhaxanta wadata ee dhacaysay ka sokow, xafladdu waxay ahayd mid sare.
No comments:
Post a Comment