Falku wuxuu ka dhacay Garoonka Koonis |
Waxaan dhegeystay weraysi laga qaaday
dhibbane la miyir beelay dhib uu sarkaal booliis ahi gaarsiiyay.
Dhibbanuhu wuxuu weriyaha u sheegay in uu
“Kooma” galay, Su’aashii xigtay ayaa igu dhalisay in aan si kooban khibrad ula
wadaago walaalheyga Soomaaliyeed ee aan isku xirfadda nahay. Su’aasha iyo jawaabteedu
waxay u dheceen qaab u dhow sidan:
Hadda koomadii ma ka soo baxday mise weli
waa ku jidhaa?
Koomadii waan ka soo baxay. Qof kooma ku
jira miyaa hadli lahaa?
Waxaan halkaa ka arargnaa in aan su’aashu
munaasab ahayn. Kooma qofka ku jira waa qof dhaawac ka gaaray maskaxda awgiis
densan oo la moodo in uu hurdo. Lagana kicin karin xataa haddii loo
adeegsado wax qof caafimaad qaba oo hurda xanunjin lahaa.
Qof xaaladdaas ku jira marka horeba ma
hadleen. In aad qof kula hadlaya weydiiso in uu kooma ku jiro waa maxay
jawaabta aad ka fili karto oo aan ahayn Anigu kooma kuma jiro? Jawaabtaas oo awalba aad ogeyd maxaan ahayn oo ay keeni kartaa?
Waa fal-ma-dhacdo in aad maqasho jawaab ah “haa kooma ayaan weli ku jiraa, goor
aan soo naaxi doonana ma ogi.”
Marka aan is weydiiyay waxa keenay su’aashan, saddex sababood ayay ila dhaafi weyday:
- In ay tahay hafyo.
- In aan weriyuhu aad uga fiirsan su’aasha, kana fekerin waxa ay jawaabtu noqon karto.
- Iyo in aan weriyuhu aqoon kooma (coma) waxa ay tahay.
Khaldkan iyo qaar la mid ahi waa ay ka
dhacaan saxaafadda Soomaalida qaarkeed. Laakiin kan waxaan u soo qaatay in uu yahay
tusaale fiican oo aan hubo in weriye kasta uu jeclaan lahaa in aan khalad la mid
ahi asaga ama ayada ka dhicin. Sidee marka uga baaqsan kartaa khaladdaadka
noocaas ah ayaan isku dayayaa in aan uga jawaabo sadarrada soo socda.
Joogtee ardaynimadaada
Weriye kasta waxaa la soo gudboonaada
mowduucyo aad u fara badan aadna u kala duwan. Mar kastana waxaa laga rabaa in
uu si aqoon ku saleysan uga hadlo mowduuc kasta oo uu soo hadal qaado. Waa in
uu mowduuca uu ka hadlayo ka yaqaan in ka badan inta uu ka aqoon karo qofka aan asagu ku takhasusin mowduuca ama aan ka shaqeyn.
Taasi ma ahan wax sahlan. Si uu u lahaado
aqoon ka sarreysa tan dadka intiisa badan, weriyuhu waa in uu wax badan
akhristaa. Waa in akhriskiisu uu joogto ahaadaa. Waa in uu ka qeyb galaa
muxaadarooyinka. Waa in uu dhegeystaa saxaafad aqoon u kordhineysa. Waa in uu
la sheekeystaa dad uu aqoon ka korosan karo. Waa in uu su’aalo is weydiiyaa oo
goobaa jawaabahooda. Waana in uu su’aalo weydiiyaa dadka u saaxiibka ah
aqoonta.
Aqoo qof yaqaan
Intaas oo dhan haddii uu weriyuhu sameeyo,
haddana ma wada aqoon karo mowduuc kasta. Markaa waxaa looga baahan yahay in uu
diyaar garowgiisu uu intaa ka badan yahay. Inkasta oo wararka intooda badan la sii ogyahay inta aanay dhicin oo la qorsheyn karo waxna laga sii baran karo, haddana wararka qaar waa sida weerar
argagixiso. Ma taqaannid goorta uu dhici doono iyo meesha uu ka dhici doono.
Warkuna waa sida gurmadka weerarka arga-gixiso daba yaal oo waa in aad isla
marka uu ku soo gaaro aad wax ka qortaa.
Markaa suurta gal ma ahan in mowduuc
kasta oo warka soo gala uu weriyuhu u
leeyahay aqoon ka badan aqoonta dadka badankiis, lahaana aqoontaas inta aan
warku soo dhicin.
Laakiin weriyaha waxaa u furan in uu isla markaas si deg deg
ah u baaro mowduuca si uu u fahmo. Baaritaankaasi wuxuu noqon karaa mid
internetka ah, mid buugaag, wargeysyo, maqal ama muuqaal ah. Wuxuuna noqon karaa mid
markaas wax laga weydiiyo dadka yaqaan mowduuca.
Waxaa la yiraahdaa weriyuhu ma aqoon karo
mowduuc kasta, laakiin mowduuc kasta waa in uu yaqaan qof aqoon gaar ah u leh.
Ha fasirin wax aadan fahmin
Weriyuhu wax aanuu fahamsaneyn ma ahan in uu isku dayo in uu dadka u fasiro. Mana ahan in uu wax aanuu
fahamsaneyn is moodsiiyo in uu fahamsan yahay. Xataa kelmad aanuu hubin
macnaheeda ma ahan in weriye adeegsado.
Ceeb ma ahan. Waxa aadan fahmin weydii
weriyaha kula shaqeeya. Haddii intiinna isla shaqeysa midkiinna uu fahmi waayo ama aad isku khilaaftaan fahamka, la kaasho qof idinka baxsan.
Waxaa iyaguna jira farsamooyin looga
dabaasho haddii ay dhacdo qofka aad wareysaneynaysaa haddii isaga oo aan fasirin uu adeegsado eray
ama aragti aadan adigu fikir buuxa ka haysan. Waxaan rajeynayaa in aan qormo
kale ka diyaariyo mustaqbalka, haddii Rabbi idmo.
No comments:
Post a Comment