Total Pageviews

Sunday 19 July 2015

Maxkamdda Sare oo amartay sii deynta Cali Yare

Maxkamadda Sare, oo ah hey’adda Garsoor ee dalka ugu sarreysa, waxay go’aan ay maanta soo saartay ku caddeysay in xarigga Cali - Yare uu yahay sharci darro.

Waxay Maxkamaddu amartay in la sii daayo.

Sii haynta Cali Yare sharci ma ahan. Cid kasta oo gacanteeda uu ku sii jirana waxa ay ku kacaysaa waa sharci jebin bareer ah oo lagu dacweyn karo.

Hey’adaha ay khuseyso, markii hore wey la gudbooneyd in ay sharciga dalka maraan oo muwaaddinka ay dembiga ku tuhmeen ay Maxkamad geeyaan, Qareenna u oggolaadaan. Haddii ay Maxkamaddu ciqaab ku xukuntana ay markaas u gudbiyaan hey’adihii fulin lahaa.

Waxay ka doorbidaan in ay xiraan Maxkamad la’aan. Waxay ka doorbideen in ay Idaacadaha tagaan oo ay magacbi'in ku sameeyaan. Waxay ka doorbideen in xuquuqda uu u leeyahay Qareen ay u diidaan. Taas oo xad gudub ah, halisna ku ah xuquuqda muwaaddin kasta oo Soomaaliyeed.


Hadda waxaan u soo jeedinayaa in ay u hoggaansanaadaan amarka Maxkamadda Sare. Oo Cali - Yare ay sii daayaan. Waxaa kale oo aan rajeynayaa in ay khaladkooda ka bartaan cashar, oo aanay muwaaddin Soomaaliyeed mar dambe sidaas oo kale ugu xad gudbin.

Labada warqadood ee halkan ku lifaaqan waxaan ka helay Saxaafadda bulshada.

Hambalyo Qareennada dacwaddan gudbiyay kuna guuleystay, Tahiil Xaaji Axmed & Cabdikariin Maxamed Axmed iyo saaxiibbada Cali - Yare.

8 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga ku reeb halkan.

    ReplyDelete
  2. Cali yare wa nin aan isku dugsi dhiganay isku xafadna an ku so kornay wana ku faraxsanahay guusha qareenadiisa

    ReplyDelete
  3. (War lagu farxo) waase haddii loo hogaansamo amarka maxkamadda sare.
    Sharcigu ha shaqeeyo

    ReplyDelete
  4. Waa arrin wanaagsan oo loo qaaday xagga dimoqraadiyadda. Waxayna muujinaysaa in ay caddaaladdu shaqaynayso haddii sida sharcigu yahay ama ku qoran la raacayo. .waa guul weyn oo u soo hoyatay Ali Yare Ali..

    ReplyDelete
  5. Aawey xaquuqdiisii Inta uu ku xirnaa xaqdarada iyo dadkii ka dambeeyey dhibaatetnta muwaadinka

    ReplyDelete
  6. Yuusufoow maxaa meesha biniaadanka danbi laga galayaa. Sawirkii wiilkii yaraa ee aad FB soo dhigtay Ina Cali Yare Walee waan ooyay

    ReplyDelete
  7. Cadaalad waa muhiim hadii la waayo waa sida duurjoogta ha loo noolaado oo midba midka uu ka awood roonyahay ha cuno

    ReplyDelete
  8. alle ayaa mahad aleh oo ka so baxshay xabsiga

    ReplyDelete