Total Pageviews

Wednesday 30 December 2015

Cawke

Sannadkan 2015 waxaan bloggeyga ku qoray 99 warbixinood oo xambaarsan macluumaad kala duwan. Qormadeyda boqolaad ee 2015 waxaan u hibeeynayaa Allah ha u naxariistee Axmed Xasan Cawke.

Saaxiibkeey Cawke, Saaxiibkii Mikrofoonka oo aan qoray 18 November, saaxiibbo ka faallooday ayaa sheegay in markii ay akhriyeen ay ilmeeyeen. Uguma talo gelin in aan cid ka ilmeysiiyo, laakiin waxaan isku dayay in aan soo bandhigo xusuus kooban oo ka mid ah wanaagga aan ku aqaannay Cawke.

Maanta waxaan goostay in aan qoro sheekooyin yar yar oo maad ah oo aan ka maqlay Cawke xilliyo kala duwan. Waxaan ku soo beegay soo dhoweynta sannadka cusub ee 2016, maaddaama uu Cawke sameyn jiray barnaamijyo maad u badan xilliyada ciidaha iyo sannadka cusub.

Wuxuu ahaa nin sheekoole ah oo kaftan badan. Wuxuuna ahaa nin u fiirsada marba dhaqanka uu dhex joogo iyo waxa hareerihiisa ka dhacaya, dabadeedna isku daya in uu sheeko ka sameeyo.

Sida saliidda matoorku u kala ilaaliso in ay is lisaan biraha matoorka ayuu ahaa nin kooxda uu markaa la shaqeynayo, isaga oo howsha wada haddana ku dhex dara maad yar oo dadka ka qoslisa oo yara illowsiisa werwerka mas’uuliyadeed ee ka dhasha ogaashaha culeyska shaqada harsan iyo karkabada wakhtiga isguraya.


Beryihii uu London ku cusbaa wuxuu iiga sheekeeyay mar ay ka hor yimaadeen laba ruux oo booliis ah oo lebbisan. Markiiba waddo aanan dooneyn ayaan ku leexday oo waan u gooyay, ayuu  yiri. Markii aan cabbaar sii socday aniga oo socod boobaya gadaalna iska eegaya ayaan soo xusuustay, ayuu yiri, in aan London joogo oo aanan joogin Nairobi.

*****
Wuxuu mar igu yiri – af Ingiriiska waxaan ugu neceb ahay su’aasha ah; Are you all right?

Maalin ayaan ku kufay, ayuu yiri, meel London ka tirsan oo fagaare ah. Aniga oo dhulka aalla, boorsadeydiina ay iga faniintay oo meel aan iga fogeyn ay taallo, ayaa waxaa isugu keey darsamay xanuun, welwel in aan jabay ama aan murxay aan ka qabo iyo ceebta nin weyn oo kufay. Waxaan arkay ayuu yiri haweeney Ingiriis ah oo i dul taagan.

Are you all right? Ayay i weydiisay. Si aan ugu jawaabo ayaan garan waayay, ayuu yiri. Sababta oo ah wey i aragtaa in aanan all right ahayn.

*****
Maalin ayay gabar qurux badan oo Ingiriis ah ay Cawke timaha u jareysay aniguna isaga ayaan sugayay. Aniga iyo isagu waan sheekeysaneynay inta ay timaha u jareyso. Wuxuu yiri, war Yusuf haddii aan inantan sawiro, miyeey Soomaalidu iga yeelayaan tanaa timo ii jartay?

Wuxuu sheekadaas ku soo celiyay maalin aan ka qadeyneynay makhaayad yar oo la yiraahdo Amici oo ku taal waddada Kingsway oo u dhow Bush House. Gabar aad indhaha u soo jiidaneysa oo ay xusuusteydu ii sheegeyso in ay ahayd Talyaani ay dalabka naga qaadday, raashinkana noo keentay.

*****
Habeen aniga iyo Cawke aan wada soconnay xilli qabow ah, roob da’ayo ayuu socodkuna dhib ahaa siiba haddii aad ka hor imaaneyso dabayl waalan oo dhacaysay. Waxaan ka soo baxnay godka tareenka khadka dhexe ee Queensway. Waddada isla magacaas leh ee xaafadda Bayswater ayaan ku lugeynay. Dadka qof waliba isaga oo isa soo duudduubay, dallad sita haddii aan dabayshu ka jebin ama ka bitin, madaxana hoos u dhigaya sidii in uu herdi u diyaargaroobayo ayuu socod boobayay si uu dhakhso ugu helo meel dugsi leh. Dadka qaar way ordayeen si ay dhakhso uga gudbaan roobka iyo dhaxanta. 

Naxariis darrada jawiga mar ay noo sii hakiyeen baabuur ku joogta waddada Moscow oo aan markaa goyneynay ayaa waxaa naga hor yimid nin ay baalka ugu jirto gabar yar, si wanaagsanna aan qabowga uga soo lebbisan oo aad arkeyso sida ay u qarqareyso. Labada ruux ee naga hor yimid waxay isugu dheggenaayeen si la garan karo xiriirkoodu waxa uu yahay. Cawke intuu saa u eegay ayuu yiri, War ninyahow, naftan yar muxuu ka soo lug gooyay?

*****
Maalin kale wuxuu arkay oday Ingiriis ah oo bas markaas sii dhaqaaqaya is leh ka gaar oo ka daba cararaya – dabcan intii tabartiis ah. Cawke wuxuu yiri odagani haddii uu Hargeysa joogi lahaa, saacaddaan bas kama daba ordeen ee Golaha guurtida ayuu ku jiri lahaa.

*****
Mararka qaar waxaa dhacaysa annaga oo Xafiiska fadhinna oo iska faraxsan ama sheekeynayna in telefoonka xafiisku uu mid shaqaalaha ka mid ah u soo dhaco. Waxaa laga soo wacayaa Soomaaliya ama meel kale oo Geeska Afrika ka tirsan. Qofkaas waxaa laga yaabaa in la weydiinayo lacag aanuu markaa diyaar la ahayn ama loo qabsado lacag uu hore u ballanqaaday laakiin uu diristeeda la daahay sabab kasta ha keentee.

Waxaad arkeysaa qofkii oo isbeddelay, oo difaac ku aruuray, asaga oo isku dayaya in uu codkiisana hoos u dhigo si aan shaqaalaha kale u fahmin faahfaahinta xaaladdiisa shakhsiga ah.

Cawke waxaad maqleysaa isaga oo marba ereyga qofka ugu dambeeyay carrabkiisa ka daba dhahaya ka dibna tiisa raacinaya sida: “Dee haye” ku lahaa, “ha kaa saarto.”

*****
Isaga oo soo qadeeyay ayaa mar la weydiiyay - war Cawke makhaayadda raashin wanaagsan ma yaallaa mise dibadda in aan u doonto ayaad igula talin lahayd? Wuxuu ku jawaabay: Kolley anigu chicken stress u dhimatay ayaan ku soo qadeeyay. Macnihii digaag stress u dhintay ayaan ku soo qadeeyay wuxuu ula jeeday in uu muujiyo sida uu u saluugayo raashinka uu ku soo qadeeyay.

*****
Cawke waxaa la iiga sheegay in ay dhowr habeen haasaawe isu raaceen niman uu ka mid yahay mid saaxiibkiis ah oo shaqada idaacadaha ku cusub. Weriyaha cusubi wuxuu mar walba Cawke uga sheekeeyaa shaqo uu maalintaa qabtay sida wareysi uu qaaday ama warbixin uu qoray iwm ama howl uu qorsheynayo in uu qabto maalinta xigta. Cawke wuxuu dhibsaday howshaan uu maalintii oo dhan ku jiro, habeenkiina looga sheekeynayo.

Markii dambe Cawke wuxuu saaxiibkiis ku yiri – Saaxiib adigu miyaadan shaqada kaba rawaxin?

*****
Berigii kacaanka ayaa nin madax ahi habeen khudbad u jeedinayay dadweynaha Hargeysa. Mikrofoon cod dheer ayuu ku hadlayay.

Nin derbi jiif ah oo xeyraansan oo caaddaas maraya oo aan goobta la isugu soo baxay joogin ayaa waxaa soo gaaraya codka ka baxaya sameecadaha awoodda badan. Khudbaddii oo dhan ayuu maqlayaa. Ninka madaxda ahi wuxuu hadalkiisa ku soo gooyay - Soomaaliyeey toosa, toosa oo isku tiirsada.

Sida Cawke ii sheegay ninkii derbi jiifka ahaa bartiisa ayuu ka jawaabay: Anigu ninna ku tiirsan maayo. Laakiin kii igu soo tiirsada, wallee waxbaa na kala raaci doona.

*****
Magaalada Hargeysa, niman duuliyayaal ah oo militeri ah ayaa waxay habeenkii la haasaawi jireen gabdho. Mid ka mid badan, oo istus ah ayaa intaa wuxuu gabdhaha ku yiraahdaa garbaha ayaa i xanuunaya ama oof baa igu taagan iwm. Maxaa kugu dhacay marka la weydiiyana wuxuu ku jawaabaa, maanta oo dhan ayaan dayaarad duulinayay. Mararka qaar wuxuu u dhigaa hadalka sidii aan maanta oo dhan dayaarad u duulinayay ayay garbuhu i xanuunayaan.

Habeenkii dambe mid ayaa ku tiri – Duuliyayaasha kale xanuun ma sheegtaane, adigu dayaaradda miyaad qaaddaa mise waad duulisaa?

*****
Nin ayaa dhowaan ii sheegay in markii ugu dambeysay ee ay Cawke telefoon ku wada hadalaan, ay ahayd mar isaga oo mashquulsan uu Cawke telefoon u soo diray, isaguna uu ka qaban waayay. Dhowr jeer markii ay intii oo kale ay dhacday ayuu markii dambe Cawke soo qoray farriin. “War saaxiib, bandowga iga qaad”.

Markiiba waan wacay oo waan wadahadalnay, ayuu yiri.

Waxay taasi i xusuusisay saaxiibkeeygii kale ee isaguna qaaliga ahaa Gaarriye AUN oo maalmo uu London joogay aan dhowr jeer is raacnay. Maaalin ayuu i soo wacay aniga oo shaqada ku jira oo aad u mashquulsan. Telefoonkeygu mar kasta wuxuu ahaa, welina yahay ma-yeere maaddaama aan stuudiye toos hawada ugu jira iyo shirar ay shaqo maalmeedkeygu u badnayd. Marki dambe Gaarriye wuxuu ii soo diray farriin af Ingiriis ku qoran: Keep ignoring me, I will keep calling you. Weligaaba igu dhegeyso telefoonka, aniguna intaa waan ku soo wici doonaa.

Farriintu wey iga qoslisay waxayna igu kalliftay in howshii aan hayay aan markiiba joojiyo oo Gaarriye aan waco lana hadlo.

*****
Cawke waxaa kale oo aan ku xasuustaa in markii ugu horreysay ee dad dhallinyaro ahi ay i  weydiistaan saxiixeyga in ay isaga dartiis ahayd. Annaga oo ka soo baxnay dhismaha Baarlamaanka Djibouti ayaan markiiba u dhaqaaqay dhanka baabuurkii na qaadi lahaa. Cawke wuu iga yara lug dambeeyay, wuuna iga soo daahay. Mar dambe ayaan arkay asaga oo soo socda oo ay dhinacyada ka socdaan dhallinyaro reer Djibouti ah oo arday ah.


Waxay Cawke ka reebteen saxiixiisa, ka dibna wuxuu u sheegay in aan anigu la socdo, wuxuuna u soo horkacay in aan aniguna saxiixayga u reebo dhallinyarada.

26 comments:

  1. Ikraan Caraale mar uu Cowke (AUN) wareysanayay ayuu waydiiyay fanaaniinta qofka ay ugu jeceshahay ama ay ku dayato, markaas ku jawaabtay Khadra Daahir, maamadii fanka... Markaasu yidhi hayee... Anna maalin baan is lahaa Alla taloow tan yar maxeey kasoo lug'gooyeene....
    Allaah ha u naxariisto Cowke!!

    ReplyDelete
  2. Allaha unaxariisto waxaa ladhihi karaa cawke waxa uu ahaa matxafkii warbaahinta somalia

    ReplyDelete
  3. Yuusuf garaad cumar illahay samair ha inaga siiyo
    Marxuum Axmed xassan Cawke
    Sheekoyin xusuus mudan baa nala wadaagtay
    Kuwa kalena waa kaa sugaynaa hadii rabi idmo.Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Yuusuf garaad cumar illahay samair ha inaga siiyo
    Marxuum Axmed xassan Cawke
    Sheekoyin xusuus mudan baa nala wadaagtay
    Kuwa kalena waa kaa sugaynaa hadii rabi idmo.Mahadsanid

    ReplyDelete
  5. Kursi hawada u furan ayaan qoraalkaan ku akhriyey, markaan sheeka dhameyyoba waxbaa i kilkileynayey oo waan iska ruxmaayey qosol dartiis. ilaahay Firdowaa haka waraabiyo.

    ReplyDelete
  6. ALLE HA UNAXARIISTO WALALKEEN COWKE.
    wuxuu ahaa nin ay dadku wada jecelyihiin.

    ReplyDelete
  7. mahadsanid yuusuf garaad illahay ha u naxariisto cawke

    ReplyDelete
  8. Wallaaahy waa Sheekooyin aad iyo aad u qiima badan.. Cawke wuxuu ahaa Wadani usoo shaqeeyay Dalkiisa... Laakiin Yusuf Garaad waxaad ka ilowday Sheekooyinkii Cawke ee Barisamaadkii iyo Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho..

    ReplyDelete
  9. aad ayaad u mahadsan tahay abti yusuf
    marna waxan ku qoslaa sheekoyinka cowke markan so xasuusto
    marna waxaan kanaxaa geeriga cowke
    lkn Soomali oo dhami niyada way ku haysaa
    ilah ha uraxmado

    ReplyDelete
  10. aad ayaad u mahadsan tahay abti yusuf
    marna waxan ku qoslaa sheekoyinka cowke markan so xasuusto
    marna waxaan kanaxaa geeriga cowke
    lkn Soomali oo dhami niyada way ku haysaa
    ilah ha uraxmado

    ReplyDelete
  11. Ilaahay ha u naxaristu nin maad badan ayu ahaa Cawke.

    ReplyDelete
  12. Ilaahay ha u naxaristu nin maad badan ayu ahaa Cawke.

    ReplyDelete
  13. Alle ha u Naxariistee Marxuun Axmed Xasan Cawke Wuxuu Deegaamada Somaliland ku Arkay Luuqad Lagu Wada Hadlo oo Soomaali Iyo English la Isku Badhxay ah, Waa Dad Reer Miyi ah oo qolooyin Sheegta Hay’ado ay Tababar Siinayaan Sheeko ayuu ka sameeyay Inkastoo markii danbe ay Rag qorayaal ahi Maqaalo ku ladheen Sheekadaas Wuxuu Yidhi Waxaan Arabsiyo ku soo arkay Odayaal aan English aqoon oo Geed hoostii Hay’ado Maxali ah Local NGO ay tababar siinayaan Waaba la is af garan la’ yahay Raga Khubarada Sheeganayaa Waxay Leeyihiin Sidan “ Ugu horayn Waxaynu isu qaybinaynaa Groups Waxaan idinla Socodsiinaynaa Markii aannu apply-garaynay fund-kii project-tigu u baahnaa, waxa attractive noqday aims-kii iyo objectives-kiisii oo ahaa qaar implementation-koodueasy yahay. Therefore waxa uu noqday program successful ah.

    ReplyDelete
  14. Mahadsanid, Garaad, xusuusta aad nala wadaagtay, ee sxb kaa, Cawke.

    Nibigu(scw) wuxuu yidhi: qofka dabeecadda fcn iyo anigu jannada sidaasaannu ku nahay, isagoo labadiisa farood ku tilmaamaya.

    Wxn dhashay, dhammaadkii 70yada, Cawke oo xiddig iyo halyey qaran ah. Xamar deris ayaan ahay, wali ma xasuusto anagoo ciyaal ah oo kubad ciyaarayna, oo intuu na soo ag maray, aan noo dhoollo caddayn ama aadan moodin aabe ku soo baxay ciyaal uu dhalay, oo uu meel fog kaga maqnaa farxadda wajigiisa ku taallay.

    Wiilkiisa, oo wxn daawaday, ka sheekaynaya inuu ahaa aabe faraxsan, oo mar walba ka qosliyo. Taas cid dafiri kartaa ma jirto.

    Shakhsiyan u la ma kulmin, lkn wxn ogayhay, inuu ahaa ahaa shakhsi Ilaahay awood u siiyay inuu dadka uu la kulmo, ciyaal kubad ciyaaraya, madax, fanaaniin, ajnabi iyo cid walba ay dareento farxadda ka soo maaxanaysa gunta qalbigiisa ee aan ahay foolal la fayday iyo qosol aan qalbiga ka iman.

    Cawke jid ha kaagaga soo hor baxo, la kulan, daawo, dhagayso ama qof yaqaanay ha kaaga sheekeeyo, waa isku mid: wxd dareemi farxad, wxd iloobi wixii adi kugu furnaa.

    Wuxuu ahaa iftiin. Ilaahay qabriga ha u ifiyo.

    Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyo.

    Ciyaalkiisa iyo ehelediisa iyo waliba asxaatiisa,sida Yusuf Garaad, samir iyo iimaan.

    ReplyDelete
  15. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  16. Cawke tiir ka baxay dadka somalida ayuu ahaa

    ReplyDelete
  17. Alle haw naxariisto Amiin. wad mahadsan tahay Yusuf. waxaan aad igu qoslay ninkii yidhi anigu cidna ku tiirsan mayo lakin kii igu tiirsada walee waxbaa na kala qabsan kkkk

    ReplyDelete
  18. Mar waxan ka murugaysan ahay geerida ninka sidaa u qaaliga ahaa waxay se taydu iska sahal noqotaa marka aan sawirto xanuunka ay geeridiisu ku reeban karto ehelkiisi iyo asxaabtiisii gaarka ahayd sida, Yuusufow, adiga. RABBI ha u naxariisto Axmed Xasan Cawke. Aad ayaad ugu mahadsan tahay qoraalkan oon aqristay anigoo dareemaya sida inaan goob-joog ahaa xilligii uu Cawke weeraha iyo ficillada ku jira samaynayay.

    ReplyDelete
  19. 2002 ayaan booqday laanta afka Soomaaliga ee BBC Bush House. Markii la gaaray saacaddii warka, Studiyaha ayaan u raacay Cawke oo ahaa xiriiriye, Axmed Cabdi Nuur oo ku qornaa war aqris iyo Koronto oo ahaa soo saare. Markaan ka soo baxnay studiaha, waxaa naga haray Cawke iyo saaxibkiis Axmed Cabdi Nuur si ay sigaar usoo cabaan. AUN Cawke ayaa igu yiri 'kaali oo sigaar nala cab' Jannatul firdowsa Allaha ka waraabiyee Cawke wuu dareesanaay in aan u ekeen dadka sigaarka caba asagoo igu tuhmaayo wadaadnima.Waxaan uuga jawaabay in ay hooyadeey ii oggoleen sigaar cabid. Cawke in uu qoslay ayuu igu "hayaay war garka weyn arka!!! hooyadaa ma aha waxa kuu diiday sigaar cabid ee garkaaga weyn weeye".AUN Cawke wuxuu iila kaftamaay maalintaas sida nin ay Saaxibbo ahaa yeen muddo dheer.

    Waxaan ilaah u weydiinayaa in uu ka badbaadiye cadaabta qabriga, Aakhirana Jannatul firdowsa ka waraabiya. Aamiin dhaha

    ReplyDelete
  20. 2002 ayaan booqday laanta afka Soomaaliga ee BBC Bush House. Markii la gaaray saacaddii warka, Studiyaha ayaan u raacay Cawke oo ahaa xiriiriye, Axmed Cabdi Nuur oo ku qornaa war aqris iyo Koronto oo ahaa soo saare. Markaan ka soo baxnay studiaha, waxaa naga haray Cawke iyo saaxibkiis Axmed Cabdi Nuur si ay sigaar usoo cabaan. AUN Cawke ayaa igu yiri 'kaali oo sigaar nala cab' Jannatul firdowsa Allaha ka waraabiyee Cawke wuu dareesanaay in aan u ekeen dadka sigaarka caba asagoo igu tuhmaayo wadaadnima.Waxaan uuga jawaabay in ay hooyadeey ii oggoleen sigaar cabid. Cawke in uu qoslay ayuu igu "hayaay war garka weyn arka!!! hooyadaa ma aha waxa kuu diiday sigaar cabid ee garkaaga weyn weeye".AUN Cawke wuxuu iila kaftamaay maalintaas sida nin ay Saaxibbo ahaa yeen muddo dheer.

    Waxaan ilaah u weydiinayaa in uu ka badbaadiye cadaabta qabriga, Aakhirana Jannatul firdowsa ka waraabiya. Aamiin dhaha

    ReplyDelete
  21. Waxaam Jeynayaa Inaad Sii Wadi Doonto Waxbixinadaada Si Bulshadeenu Maskaxiyan Wax Badan ay U Ogaato

    ReplyDelete
  22. Wuxuu ahaa magaalo socota
    alle ha unaxariisto

    Mahadsanid Y.G

    ReplyDelete
  23. Wuxuu ahaa magaalo socota
    alle ha unaxariisto

    Mahadsanid Y.G

    ReplyDelete
  24. Magaalo socota ayuu ahaa ee ilaahey ha unaxariisato walalkeen.

    Mahadsanid Y.G

    ReplyDelete
  25. Waa xasuus caaqibo leh. Mahadsanid Yusuf. Waxaan ka helay saaxiib bandowga iga qaad.

    ReplyDelete
  26. Sanafkii 2014kii waa markii igu horaysay ee aan indho saaro Ahmed hasan owke alle ha u raxamdee. Waxaan Ku kulanay hotel maansoor we magaalada hargeisa. Waxaan isugu nimi Shir lagaga hadlayay hablaha waxbarashoodada, iyo sida ay hablaha miyaga jooga iyo kuwa magaalada jooga in aanay u siinayn jaaniska yar ee ah in hablaha wax La Baro. Shirka waxaan soo qaban qabiyay hayaada SAVE THE CHiLDREN. Iyo UKAID. Dadka meesha kasoo qayb galay waxay ahayeen aqoon yahano leh waayo arignimo aan la gaadhayn. Dadka waxay ahayeen dadka u shaqeeya hayaadaha international ka ah iyo kuwa local ka ah. Waxaan ugu yaraa aniga iyo dhowr arday oo ka socotay jaamacada hargeisa qaybteeda arimaha bulshada. Shirku markuu noo socday in Ku show saacad Ayaan waxaa nasoo galay Ahmed hasan owke iyo saxiibkii abdisalan hereri. Markiiba salaan gacaltooyo oo diiran ayuu naga jagac siiyay. Ka bacdina kursi ii ag yaalay oo banana ayuu soo fadhistay. Shirkii halkii ayuu kasii socday inantii facilitate garanasay shirka oo ahayd ajaanib ayaa dadkii waydiisay sida ukala duwan yihiin hablaha miyaga jooga iyo hablaha magaalada jooga marka laga hadlaayo waxbarashada aasasiga ah. Ahmed Ayaan jawaabtii qabsaday waxaa uu ka sheekayay nolosha dhaqan dhaqaale Ku xeeran nolosha miyiga.mar wuu naga qosliyaa mar wuu naga qayriisiya. Dadkii meesha isugu yimi ee ka shaqanayay field kaas cid axmed xasan cowke xaqiiqda ugu show ma jirin. In Ku dhow rubuc sàac ayuu nala wadaagay sheekeyon isku laaman oo marna yadadiilo iyo farxad Ku galinayaa. Marna murugo iyo muusenow kugu abuuraya oo Ku saabsan hablaha wax bartay we soomalida oo marka danbe noqday (iron lady). Ahmed waxuu ahaa iftiin iyo hilàac ka dhex ifayay umada somaliyeed waxuu ahaa shaksiyad a an hour loogu arag umada soomaliyeed. Sidoo kale waxuu ahaa tiir umada soomaliyed ka baxay. Alle ha u raxmado. Aamin aamin

    ReplyDelete