Total Pageviews

Thursday 24 December 2015

Kulan Dhallinyaro

Waxaa galabta sharaf ii ah in aan ka qeyb galo kulan dhallinyaro oo kooban oo aan rasmi ahayn oo isugu jiray isbarasho, dood, wada sheekeysi iyo xog kala qaadasho.

Dhallinyarada oo isugu jirtay wiilal iyo gabdho, qaar shirkii dhowaan ka dhacay Muqdisho ka qeyb galay, qaar ku kacsanaa oo qaaday olole ka dhan ah oo hawada ah, dhallinyaro madax u ah ururro u dhaqdhaqaaqa dhallinyarada, qaar u dooda Xuquuqda Aadanaha, dhallinyaro shaqeysa, qaar waxbarta iyo dhallinyaro dibadda ka timid.

Lama hor istaagi karin waana laga dooday tabasho la xiriirta shirkii dhallinyarada ee Muqdisho ka dhacay iyo kaalinta ay ku lahayd dhallinyarada dibaddu. Haddana hadallo badan oo la jeediyay waxay ku saabsanaayeen guubaabo, dhiirri gelin iyo kala xog qaadasho dhallinyarada dhexdeeda ah.

Waxaa la is tusay in dhallinyaradu ay tahay qeybta ugu badan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la garwaaqsaday in ay dhallinyaradu isku dan tahay gudo iyo dibadba. Waxaa la qiray in fursadaha dalku ay aad u badan yihiin kuna filan yihiin dhallinyarada haddii la helo aqoon, khibrad, karti, hufnaan iyo cudud lagu soo saaro. Waxaa la is xasuusiyay in ay tahay in dhallinyaradu aanay isku mashquulin ee ay wadajir u abuurtaan fursado, u dhacsadaan xuquuqdooda xag dowladeed, xag hey’ado shisheeye iyo xag caalami intaba.

Waxaa si gooni ah farta loogu fiiqay sharikadaha shaqaaleeya ajnebi aan ku aqoon iyo khibrad dhammeyn dhallinyarada Soomaaliyeed.

Waxaan ku faraxsan ahay in dhallinyarada hadalkooda laga dhadhansan karay, qaarna ay si buuxda carrabka ugu dhufteen in Wasaaradda Dhallinyaradu ay tahay Wasaaraddooda ayna doonayaan in mar walba ay wadashaqeyn lahaadaan isla markaasna ay cod buuxa ku lahaadaan siyaasadda dhallinyarad ee Dowladda.

Kulanku wuxuu ahaa mid la isula hadlay laabfuranaan. Xog badan ayaan ka kororsaday kulanka.

Waxaan soo dhoweynayaa dhallinyarada aan shirkaas ka qeyb galin, gaar ahaan kuwa Gobollada dalka Soomaaliya in ay halkan ay aniga iyo akhristayaasha kula wadaagaan fikirkooda ku wajahan sida ay dhallinyarada Soomaaliyeed isu kaashan karto waxna u wadaqabsan karto si ay u dhisto aayaha dhallinyarada taas oo ah aayaha dalka.

Waan u mahadcelinayaa dhallinyaradii fikirka lahayd kalsoonida ay ii muujiyeen markii ay igu martiqaadeen iina soo jeediyeen in aan hadalka u qeybiyo oo u odayeeyo, kuwa qaban qaabiyay iyo kuwa ka soo qeyb galay oo dhammaantood soo jeediyay fikrado qiimo leh.

Waxaa kale oo aan u mahadcelinayaa maamulka Posh Treats, Muqdisho, oo goobta fadhiga na siiyay.

6 comments:

  1. Dowladu waa markii ugu horaysay ay talada dalka ka qayb galiso dhalinyarada waxaana ugu wacan in ay ka baqday kacdoon dhalinyaro oo soo afjara faragalinta shisheeyaha iyo gacmaha loo adeegsanayo ee siyaasiga somaliga ah hadaba waxay ila tahay in aysan ku dhicin dhalinyaradu dabinkaasi oo ay yeeshaan aragti ka madax banaan waxa socda.

    Waxaa ila haboon in dhalinyaradu la timaado habka kabadalan sida ay hada wax usocdaan hadeysa ku milmaan ma jiri doonto fursad lagu badbaadiyo dalkan


    Mahadsanid YG

    ReplyDelete
  2. yusuf thnks, dhan ka kale sorry wn ka maqnaa kulan kaas, waxaan ahay Imaamka Dhalin yarada Soomaaliyeed, waxaan markasta uduceeyaa dhalinta Soomaaliyeed, is araggiina galabtay iyo ku lankii ka horeeyay waxaan leeyay Alle habarakeeyo.
    Dhalin yarada oo lays ka indhatiro waxay sababi kartaa wax aanan hadda inta ku soo koobi karin waxaanan isku dayaynaa sidii Bulshadu kaalinteena u garawsan laheed taasoo ah waxa aan Dhalka ku soo kordhin karno

    ReplyDelete
  3. waad ku mahadsantahay sida hufan eed marwalba noolaysiiyey wadaagto waxyaabaha mudan in laga hadlo ama lagu baraarujiyo dadka qaar oo aanan la Socon waxaan ku leeyahy hore usoco waadna mahadsantahay

    ReplyDelete
  4. Abdul Hassan USA
    Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay runtii anigoo goobjoog ahayn hadana inta joogtay yaa igafilan inan istasgeerno madax kartilehna aanu samysano waa qabaa in wadankenu yahay 100/75 dhalinyaro hadii lahelo hufnan iyo karti anu mustqbalka dhow kabixidono dhibkan nagu raagay wana idiin soo duceeynaa anigoo ah imaam masjidna howsha halkiina kasiiwada Yusuf Garaad iyo inta jacel samaha dhalinyaradana halagusoodaro hogaanka sare ee dhalinta berito si aad uheshan hiigsiga dhaliyarada dalka oodhan meelkasto ayjogana haloodiro infitation kaga sooqyb galan shirarka muhiimka ah intas waa igatalo asw

    ReplyDelete
  5. MAHADNAQ

    Waxan aad ugu mahadnaqayaa intii ku lug laheed kulankii qiimaha lahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay POOSH TREAT.
    Si gaar ah.
    Manar Moalin walasheen waad ku mahadsantahay gogoshii aad u fidisay dhalinyarada soomaaliyeed.
    Si ay isku dhaafsadaan afgaarahooda kala duwan.
    Yusuf Garaad masuul sare. Ilaa xad waad ku mahadsantahay Sidii Cadaaladda aheed oo aad u kala hageysay afgaarihii kala duwanaa ee dhalinyarada. Iyo Maqaalka quruxda badan ee aad ka diyaarisay.
    Mar walba waxaa diyaar u nahay Ka shaqeynta iyo Horumarka dhalinyarada dal iyo dibad. Ee soo dhaweenayaa

    ReplyDelete
  6. MAHADNAQ

    Waxan aad ugu mahadnaqayaa intii ku lug laheed kulankii qiimaha lahaa ee shalay galinkii dambe ka dhacay POOSH TREAT.
    Si gaar ah.
    Manar Moalin walasheen waad ku mahadsantahay gogoshii aad u fidisay dhalinyarada soomaaliyeed.
    Si ay isku dhaafsadaan afgaarahooda kala duwan.
    Yusuf Garaad masuul sare. Ilaa xad waad ku mahadsantahay Sidii Cadaaladda aheed oo aad u kala hageysay afgaarihii kala duwanaa ee dhalinyarada. Iyo Maqaalka quruxda badan ee aad ka diyaarisay.
    Mar walba waxaa diyaar u nahay Ka shaqeynta iyo Horumarka dhalinyarada dal iyo dibad. Ee soo dhaweenayaa

    ReplyDelete