Total Pageviews

Sunday 26 July 2015

Danjiraha USA ee London oo Muslimiin Martiqaaday


Danjiraha Mareykanka ee London, Mathew Barzun, ayaa martiqaad noogu sameeyay gurigiisa annaga oo ah tobannaan muslim ah, munaasabadda ciidda awgeed.

Waxaan isugu jirnay diblomaasiyiin, culimmo, qorayaal, suxufiyiin, dad u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Xafladda waxaa uu ku martiqaaday ruux Muslim ah oo ku furay aayado Quraan ah oo uu tajwiid ku akhriyay – Suuradda Al Raxmaan. Af Ingiriis ayaa loogu fasiray martidii aan muslimka ahayn ama aan aqoon macnaha aayadaha.

Hore ayaa dhowr jeer gurigaas la iigu casuumay munaasabado noocan ah iyo qaar kaleba.  Guriga Danjiraha oo ku yaal bartamaha magaaladu wuxuu leeyahay beer aad u weyn aadna u qurux badan. Markii uu Danjurhu quraanka ka dib uu nooga sheekeeyay beertiisa, waxaan ka helay markii uu sheegay in marka uu ku dhex lugeeyo beerta ay dhirteedu ka qariso dhismayaasha London oo dhan marka laga reebo minaaradda Masjidka Baker Street iyo towerka Isgaarsiinta ee BT.

Sawirka u horreeya waxaa ka muuqda ardayad Soomaaliyeed, Sihaam iyo Habaryarteed Ilham Gassar, oo la taagan Danjire Mathew Barzun.


Labada Sawir ee kale waa Masjidka iyo Towerka. BT. Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee London waa tan ugu sumcadda weyn Safaaradaha Mareykanku uu caalamka ku leeyahay, xiriirka gaarka ah ee ka dhexeeya labada dal awgiis, waana Safaaradda Mareykanka ee dhisme ahaan ugu weyn Safaaradaha uu ku leeyahay Yururbta Galbeed.

Sidoo kale Safaaradda UK ay ku leedahay Washington waa tan labaad ee ugu dhisme weyn, Safaaradda Ruushka ka dib.

Danjirayaal badan oo Dunida Muslimka ah ayaa joogay munaasabadda. 

Dabcan Danjire Soomaali ah kuma arag goobta. Wasiir Hadliye kolleey waa og yahay. Waxaan rajeynayaa muwaaddin na matala oo ka bixi kara mas'uuliyadda in la keeno London oo safaaradda dib loo furo safaaradda oo xirnayd ku dhowr yo labaatan sano. Waanan hubaa in rag iyo dumar badan oo Soomaaliyeed oo ka bixi kara, una diyaar ah la heli karo.

4 comments:

  1. Fadlan ra'yigaaga halkan ku reeb. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Laba arrimoodba waan ku faani karaa oo ah, tan manaarada Masjidka Baker Street iyo tan ay nagu mataleen ka magac soomaali ahaan dhinacyadeey doonaan bulshada ha uga muuqdaanee, dad aad adigu ka mid tahay oo sumcad leh. Si gaara waan kuugu hambalyeeynaa inaad nagu matasho kulamada umadaha aduunku iskugu yimaadaan mid kuu qaasa iyo mid caam ahba. Aniga ahaana waxaad ka mid tahay dadka aan ku faano.

    ReplyDelete
  3. Waa fahmay waana ku farxay aragtida masjidka waase ka xumaaday in aanay joogin dad dawladnimada somaliya ma talayay waa rajaynayaa in taladaada la wajaho oo ayan sii banaanan safaaradeena aad ayaana ugu mahadasntahay Yusuf wargalinta muhiim ka ah

    ReplyDelete
  4. Garaad, waad ku mahadsantahay warbixinta aad nala wadaagtay kulanka oo u eg mid xiiso badan, lkn aan naan hadda ka hor(kolley anigu) maqal.

    Wxn filayaa in lagu soo qaaday kulan kaas xidhiidhka muslimiinta iyo Reer-Galbeedka + midka dunida Islaamka oo ahmiyad wayn u leh labada dhinacba, ha noqoto siyaasad, dhaqan, dhaqaale iyo amniba.

    Qarniyadii tagay saamaynta R.Galbeed ku waxay ahayd mid toos saamaysa nolosha muslimiinta, waayo siyaasad, dhaqaale iyo xitaa ciidan ahaan ayay xaadir ku ahaayeen dunida muslimka.

    Haddana sidoo kale ayaa shucuubta R.Galbeed ku u dareemayaan saamaynta dunida muslimiinta. Waxaa qasab ah in qaab garaadsan(xaqiiqi) loo wada tacaamulo.

    Carruurtaada ku dhalatay Galbeedka, Soomaaliyadooda dhabta ah waa"halkan".
    Iyo dabcan kuwayguba.

    Ugu danbayn wxn kaa codsanayaa, waliba aan aaminsanahay na inay ila wadaagaan xiisaha mowduucaas in badan oo ka mid ah akhyaarta raacata qoraalladaada xiisaha badan.

    Mowduucaas oo ballaadhan, haddaadan hal qoraal ku koobi karinna aad qaybqayb u soo tabin kartaa, 1, 2, 3.

    Mowduucu waa safaaradihii ay Soomaaliya ku lahayd dalalka Galbeed: maxay ku danbeeyeen? Ma waxay ahaayeen kiro mise hanti qaran? Immisaa hadda shaqeeya/xidhan? Iyo wixii macluumaad ah eed ka heli kartid ee kale.

    Wxn rajaynayaa inaad adna xiisaynaysid.

    Ugu danbaynna su'aal shakhsi ah:

    Wxd tahay suxufi caan ah, afaf badanna yaqaan; ma ka fikirtay inaad ugu adeegto khibraddaada/aqoontaada fagaarayaasha caalamiga ah, sida UN ta, J.Carabta iwm.

    Siyaadda gudaha waxaa loo ciyaara kooxaysi(qabiilaysi) adigana -aragtidayda- mustawahaas kuuma qalmo. Waxaa ku soo ag fadhiisanaya kuraasta baarlamnka, qof ku yimid 4.5, oo hadduu doono aan ka soo bixin dugsi hoose ama danbiile, in badan oo tolkiis ahna kaga helay kursiga xoog: lacag ama laandheerenimo.

    Mar kale, Mahadsanid wll.

    ReplyDelete